Friday, September 27, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Booqasho ku tegaya Dalka Faransiiska oo u Martiqaad ka helay iyo Mid ka mid ah Su’aalaha Taban ee Paris u yaala


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu booqasho ku tegay waddanka Faransiiska oo ka tirsan Qaradda Yurub.



Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo ku dhadhow Aqalka Madaxtooyada, Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo inta laga war-hayo Wasiirka arrimaha dibaddu, ayaa maalmaha soo socda u kicitimi doona dalka dalka Frances-ka, halkaasoo uu 22kii Bishii May Madaxweynuhu Martiqaad ka helay Dawlada Dalkaasi.



Ilo-wareedyada ayaa safarka madaxweynaha u badinaya inuu baxayo maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana la sheegay inuu baajiyay Booqasho madaxweyne oo uu ku tegi lahaa  Magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley, taasoo maalmahanba la hadal hayay.



Madaxweynaha ayaa maarti-qaadkan uu soo gaadhsiiyay bishii May Safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya Etiennce De Poncins, kaasoo booqasho ku yimi Magaalada Hargeysa, ka dibna madaxweynaha kula kulmay qasriga Madaxtooyada ee Somaliland.



Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xiligaasi dawladda Frances-ka ku amaanay wada-shaqaynta ka dhaxaysa dalkiisa, taasoo inta badan ku taxaluqda arrimaha amaanka Baddaha, siiba la dagaalanka Budhcad-badeeda oo uu Safiirku si weyn ugu saantay waxyaabaha ay Hargeysa horumarka ka gaadhay.



Ambasador Etiennce De Poncins, ayaa sheegay inay Paris xidhiidh wada shaqeyneed iyo taageero toos ah u furayso dawladda Somaliland, taasoo ahayd arin si weyn xukuumadda Madaxweyne siilaanyo u soo dhaweysay.



Safarka Madaxweynaha ee uu martiqaadkaasi kaga jawaabayo ayaa la filayay inuu ku soo beegmo bishii August ee ay la soo dhaafay, hase ahaatee culays siyaasadeed oo gudaha dalka kaga oognaa ayaa loo aanaynayaa inuu xiligaasi u baajiyay safarkiisa.



Ma cadda Miisaanka iyo maamuuska ay madaxda Faransiisku ku qaabili doonaan madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay booqashadani noqonayso tii ugu horaysay ee uu ku tago dalkaasi oo ka mid ah waddamada Midowga Yurub ee saameynta siyaasadeed ku leh Geeska afrika.



Hase ahaatee arrimaha dhinaca taban la xidhiidha ee horyaala Madaxweynaha safarkiisa  marka uu gaadho Paris waxa ka mid ah ka jawaabida go’aankii Shirkaddii Total ee Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Heshiiska kula jirtay Somaliland, balse xukuumaddiisu  sida fudud ugala wareegtay hawshaasi, dalkana ka baxday,  oo aanay wali arinteedu dhamaan, isla markaana dhawr jeer la soo hadal qaaday inay Dacweynayso Dawladdiisa.



Joogitaanka Shirkadda Total ee Somaliland ayaa ugu weyneyd danaha Ganacsi ee Frances-ku ku lahaa Somaliland, taasoo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo si fool xun ula dhaqantay, ka sekow baabi’inta Heshiiskii ay kula jirtay, isla markaana bililiqaysatay qaybo ka mid ah Qalabkii u yaalay Haamaha Shidaalka ee Berbera.



 Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com