Thursday, September 26, 2013

Wufuud Somali ah oo Sanca u jooga wada-xaajoodyo ka dhan ah Budhcad iyo Faroole oo la kulmay Hogaamiyaha Yemen



Sanca(GNA)-Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud Faroole, oo booqasho ku jooga dalka yemen , ayaa Maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Yemen Abdirabouh Mansur Hadi iyo Ra’isal wasaaraha Dalkaasi Mohamed Basindawa.




 Wasiirka CaafimaadkaPuntland Cali Cabdulahi iyo Amniga Khaliif Ciise iyo Safirka Yemen ee Somaliya, ayaa Ku wehelinayay kulankaasi, waxaanay laba dhinac ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya, Amniga sida argaxisada, burcad badeedka iyo Tahriibta. Iyo weliba horumarinta xiriirka dhaqaaale sida bangiyada, duulimaadka iyo kaluumeysiga.




Puntland ayaa uga mahadcelisay Dowladda Yemen kaalinta ay ka qaadatay martigelinta boqolaalka kun ee qaxootiga Somalida ah kuwasi oo tan iyo bururkii hoy u noqotay Yemen.




Dr. Faroole ayaa Booqashooyin ku marayay muddo bil ah dalal dhowr ah tan iyo dhamaadkii Aug oo uu ka soo dhoofay Garowe sida Kenya, Ethiopia, Jabouti, Dubai iyo Belgium.




Dhinaca kale Saraakiil ka socota dawlada ayaa ku sugan muddo todobaad ka badan Magaalada Cadan ee Dalka yemen, halkaasoo ay kaga qayb-galeen shir ku saabsan arrimaha Budhcad-badeeda.




Wax war ah oo faahfaahsan lagama hayo weftiga Somaliland ujeedada ay halkaasi u joogaan ka sekow shirka ay ka qayb-galeen, balse ilo wareedyo laga helayo, ayaa tibaaxaya inay dawlada dalkaasi kala hadlayaan sidii ay labada waddan isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Kooxaha Budh-cad baddeeda ah oo u aad ugu badan Badweynta ay soohdinta ka leeyihiin ee Badda Cas.




Gobanimonews




Dubai Office




Email: editor@gobanimonews.com