Saturday, September 28, 2013

Deegaan Ka Tirsan Degmada Lughaya Ee Gobalka Awdal oo Cabasho Waxbarasho La?aan Ah Ka Imaaneyso


Degaanka Riiga Kalawle waxa uu ka tirsan yahay degmada Lughaya waxana uu wax ka yar 18km u jiraan xarunta degmada ee Magaalda Lughaya, degaankan waxa ku nool caruur aad u tiro badan oo baahi u qabta waxbarasho dhamaystiran, sidaas oo ay tahay hadana kaabayaasha waxbarashada ee degaankaasi waxa ay yihiin kuwo gabi ahaanba baaba? ah.




Degaanka waxa ka jira dugsi hoose oo ay dhigato caruur aad u badan, waxana dugsiga degaankaasi uu ka samaysan yahay caws, qoryo iyo laamo laga soo gooyay geedka loo yaqaan MOROH-da kuwaas oo aanan celinayn cadceeda iyo dabaysha waqtiga gagaaga ah ka dhacaysa Lughaya.




Xildhibaan ka mid ah xildhibaanada Lughaya oo laga soo doortay degaanka riiga Kalawle Cilmi Faarax Sugaal ayaa ka waramay in baahida waxbarasho ee degaanka taaalaa ay aad u badan tahay waxana uu yidhi ?Waxa aan waalidku marka ay doonayaan inay arday keenaan dugsiga shuruud uga dhiganaa inay soo goostaan laamaha geedka Morohda, si aan dugsiga ugu sii dhisno, waxa aan aad uga xunahay in degaano badan oo ay xukuumadu ka dhistay dugsiyo aanay ku jirin degaankan, waxa noo muuqata in la dayacay degaankan, balse waxaan xukuumada iyo hayadaha deeqaha bixiya ka codsanaynaa inay noo dhisaan dugsiyo waxbarasho?




Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyadan ayaa waxa ay tihiin kuwo aanan qaadan wax mushahar ah, waxana ay dalbadeen in la siiyo mushahar oo ay xukuumadu ku baraarugto baahida waxbarasho ee taala degaankaasi.




Sidoo kale Sul. Abshir Maxamed Ducaale oo ka hadalay arintan ayaa yidhi ?Waxa aan marar badan maqalnaa in la leeyahay dugsiyada aada, fariintani waxa aan u malaynayaa in loogu talo galay dhulka magaalooyinka ah oo kaliya, halkani waa baadiye, mana haystaan caruurtani dugsi ay wax ku dhigtaan, waxana aan qurbo jooga iyo xukuumadaba ka dalbanaynaa inay dugsigan soo dhisaan?




Si kastaba ha ahaatee hadii waxbarashadu ahayd xaq iyo xuquuq aasaasi ah oo ay caruurtu leedahay, hadana caruurta degaankan Riiga Kalawle ee Lughaya waxa ay dareen san yihiin in la dayacay oo aanay dadka degaanka ee qurbaha ku nooli u hagar bixin, sidoo kalena ay marar badan xukuumada oo sheegata inay wax ka qabatay baahida waxbarashada uu hadalkaasi yahay mid ku kooban magaalooyinka isla markaana aanan soo gaadhin degaanka Riiga iyo degaano kale oo la mid ah




Wariye Mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Borama office