Friday, September 27, 2013

Taliyihii Policeka gobolka waqooyi bari Kenya oo la Badalay iyo Taliye Cusub oo loo Magacaabay


(GNA) Taliyahii ciidanka Policeka ee gobolka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa la badalay ka dib isku shaandhayn  oo lagu sameeyay saraakiisha Policeka ee dalka kenya .




Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka wuqooyi bari ayaa waxaa noqon doona Henry Barmao isaga oo badali doona taliyihii hore ee Policeka gobolka waqooyi bari .
arrintan ayaa waxa laga yaabaa in ay la xidhiidho afduubkii loogu geystay xarunta ganacsiga westget ee magaalada neyrobi.




Taliyaha cusub ee Policeka bariga dalka ayaa waxuu noqon doonaa Mr Yaa Baya .




Taliyaha guud ee Police ka David Kimaiyo ayaa isku shaandhayntan ku micneeyay inay tahay mid looga gol leeyahay  in lagu xoojiyo amaanka guud ahaan dalka .




Isku shaandhayntani uu manta ku dhawaaqay taliyaha guud ee Police ka dalkaa ayaa ku soo beegmaysa ayada oo qayba ka mid ah dalkaa ay ka jirto amni daro .




Badalaada taliyaha guud ee Policeka  gobolka waqooyi bari ayaa ku soo beegmaysa ayada oo xalay ay laba weerar  ka kala dhaceen Mandera iyo Wajeer.




Diyaariye :C/qaadir Askar




Gobanimonews.com