Monday, September 30, 2013

SL: Laanta Socdaalka oo laga Xaday Kaydkii Sirta + Macluumadkii ku jiray iyo Sarkaal C.I.D-da ah oo 7 Casho la la’yahay Meel uu Jaan iyo cidhib dhigay


Hargeysa(GNA)-Faylal Sir ah iyo Macluumaad kale oo muhiim ah ayaa la sheegay in laga xaday  Xafiiska Laanta Somaliland Jimcihii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo u dhuun-daloola xafiiskaasi.




Wargeyska Jamhuuriya oo ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa Maanta Bogiisa hore ku  daabacay in Macluumaadkaasi oo sida wargeysku sheegay sir badani ku duugantahay la waayay, ilaa hadana aanay jirin cid loo qabtay.




Wargeysku  waxa uu sheegay in la xaday Faylashii Xogaha laanta Socdaalka lagu kaydin jiray, gaar ahaana waaxda Sirdoonka,taasoo ay ku jireen Macluumaadkii ilaa bishii November ee sanadkii 2013, waxaanay  ilo-wareedyada Wargeysku soo xigtay sheegeen in baadhisi socoto, balse ilaa hada wax raad ah oo la hayaa aanay jirin.




Sida la sheegay Macluumaadka maqan waxa lagala baxay xafiiska Taliyaha Socdaalka, kaasoo la sheegay inuu safar dibadda ah ku maqanyahay, waxaana warku intaasi ku darayaa in Kiiskaasi Taliye ku-xigeenka Socdaalku amray in baadhis rasmiya lagu sameeyo.




Bishii Janaury ee sanadkan ayay hayd markii Xarunta Laanta socdaalka laga helay Walxo ka mid ah waayiradda Miinadda lagu qarxiyo, waxaana xiligaasi loo xidhay laba Nin oo Ciidanka ka tirsan, kuwaasoo muddo ka dib Xoriyadooda loo soo celiyay inta waxba lagu waayay.




Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dambi baadhista Somaliland ayaa la la’yahay meel uu Jaan iyo cidhib dhigay  muddo  hal todobaad ku siman, sida laga soo xigtay Saraakiisha laanta Dambi baadhista.




Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale qoyskiisu xaqiijiyeen inaanay arag ilaa Isniintii Todobaadkii hore, waxaanay saraakiishu sheegeen in ninkaasi gaadhigii uu watay Xerada dhexyaalay ilaa wakhtigii cid ugu dambeysay.




Taliyaha Ciidanka C.I.D-da ayaa Axaddii shalay Wargeyska Haatuf u sheegay in Sarkaalkaasi la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, isla markaana Hay’adaha amaanku baadhayaan sababta uu ku maqanyahay.




Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaa abuuraya xaasaasiyad dhanka amniga ah iyo in Cadowgu si fudud ku heli karo xogihii Hay’adaha ugu xaasaasisan qaranka, waxaana ka muuqda raadad muujinaya Maamul xumo sababi karta Halis waddanka cadowga ku soo hogaamisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com