Thursday, September 26, 2013

Dr. Sacad C. Shire: ilaa 250 Mashruuc oo aanu Sanadkan Doonaynay inay Hay’adaha Deeq-bixiyayaashu waddanka ka fuliyaan, waxa ka fulay 39 Keliya”.


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre ayaa sheegay inaanay fulin saddex meeloodoow laba meelood mashaariicdii horumarineed ee ay sanadkan ka dalbadeen Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga.




Dr. Sacad Cali Shirre oo todobaadkii la soo dhaafay la hadlay Barmaamujka Telefishanka Dawlada ka baxa ee Dadkaaga la hadal, ayaa sheegay inay dawlad ahaan sanadkan qorsheeyeen in ilaa laba boqol oo mashruuc ay waddanka fuliyaan Hay’adaha horumarinta ee Ajaanibka ah, balse sida uu sheegay Mashaariicdaasi ay ka fulineen in ku dhow afartan Mashruuc oo qudha, xili lagu jiro dhamaadka Sanadka 2013-ka.




Qorshehaasi waxa uu sheegay in lagu dejiyay Qorshe sanaddeedka shanta sanadood ee dawlada, kaasoo sida uu sheegay Dhaqaalaha ku baxaya saddex meelood laga qondeeyay, kuwaasoo kala ah Bejedka Dawlada, Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Ganacsatada.




“Qorshe sanaddeedka dawlada Mashaariicda ku jira waxaanu ka qoondeynay sidii aanu melo- awaalnay in laga helo saddex meelood oo kala ah:-.




 “ qaadhaan-bixiyeyaasha oo inta ugu badan laga sugayo, bejedka dawlada iyo Ganacsatada, markaa sanadkan waxaanu filaynay inay Hay’adaha Caalamiga ahi ilaa laba boqol oo mashriic ka fuliyaan waddanka, laakiinse sidii aany filaynay uma dhicin oo waxa la fuliyay intaa ka war qabo ilaa dhawr soddon qudha, markaa taasi waxay ku tusaysaa inaanay sidii loogu talo galay wax noqon”.ayuu yidhi Wasiirka Qorsheynta Qaranka.




Hadalka wasiirka, ayaa rejo aan wanaagsanayn  ka muujinaysa  fulida boqolaa Mashruuc oo ku jira qorshe sanadeedka dawlada ee fog iyo ka dhan oo ku eeg ilaa 2016-ka iyo waliba Higsiga fog ee ilaa 2030-ka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com