Saturday, September 28, 2013

Hargeysa: Arday Baratay Isgaadhsiinta oo Urur samaystay


Hargeysa(GNA)Ardayda kulliyada Cilmiga Isgaadhsiinta ee Jaamacadda Gollis, ayaa Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay Urur ay ku bahoobeen, si aqoonta ay barteen ugu horumariyaan dalkooda.




Ururkan, ayaa lagaga dhawaaqay xaflad balaadhan Jimcihii lagu qabtay Hudheelka Maansoor, taasoo ay soo qaban-qaabiyeen Ardayda ururka samaystay oo ka kooban kuwo hada Jaamacadda wax ka barta iyo kuwii ka qalin-jabiyay.




Munaasibaddan oo ay dhinaca kale Wasaaraadda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ku soo dhaweysay Urur Isgaadhsiineedkan ardayda wax baratay, waxa ka soo qayb-galay Wasiirro ,waalidiin,maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Gollis iyo ardaydii kuuliyadaasi ka qalin jebisay.




Eng:Shukri Cismaan Caabi oo ah ardayadii ugu saraysay sannadkan jaamacadda Gollis dhinaca hablaha ka qalin jebiyey  oo halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay sababta ay ururkan u hindiseen, waxaanay sheegtay inay talaabadan ku kaliftay markii ay daraaseeyeen Baahida loo qabo in si abaabulan looga qayb-qaato horumarinta Isgaadhsiinta Dalka.




Shukri ayaa dhinaca kale ardaydakula dardaarantay inay wataan cilmigaasi ee aanay halkaasi kaga hadhin,waxa kale oo ay ka hadashay siday ugu dhiiradeen hablo ahaan inay dhigtaan cilmigan oo ahaa mid aad u adag.




Sidoo kalena Eng:Axmed Yaasiin Maxamed, Eng:Siciid Cabdi Xasan oo ka mid ah Macalinta Ardaydan wax soo baray, Ismaaciil Maxamed Axmed oo ka socday Maktabada  Qaranka (Somaliland National Library) iyo Ayfan Jakson oo kamid ah macalimiinta ajaanibka ah ee jaamacadda Gollis wax ka dhiga ,gaar ahaana kuuliyaddan Isgaadhsiinta, sheegayna in aad ula yaabaya markii ugu horeysay ee uu Somaliland yimi sida ay dadkani wax u bartaan iyo xaaladaha kala duwan ee lagu jiray, ayaa dhamaatood ka sheekeeyey Muhiimadda Cilmiga iyo sida uu qofka wax bartay uga aragti iyo nolol fiicanyahay ka aan wax baran.




Xafladan oo intii ay socotay ardaydu ku soo bandhigeen soo jeedin ama (Presentation) ay kasoo diyaariyeen cilmigii ay mudadda soo baranayeen,kuna qaateen macluumaad ku saabsan Sateliteka iyo siyaabaha loo adeegsado iyo  fiber Optic-ga iyo faa’idooyinka uu Somaliland u lee yahay, waxa hadalo ka jeediyay  Mustafe Shukri oo ka socday Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMCABLE, Sayid Abibakar  oo ka socday shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee Nationlink iyo Khadar Cabdiraxman Cabdilaahi oo Somtel ka socday, kuwaasoo da’yarta Cilmiga Isgaadhsiinta baratay soo dhaweeyay, kuna tilmaamay aqoonta ay barteen mid waddanka faa’ido badan ugu fadhida.




Eng:Maxamed Kayse oo ah Afhayeenka ururkaasi ayaa isna  sheegay in ururkani loo aas aasay markii ururkan loo baahday ,sidoo kalena ay ku talo jiraan in ay xubno ka noqdaan aqoon yahan badan oo caalamka ku kala nool iminkana ay kamid yihiin,isaga oo sheegay in ururkani hiigsanaayo in 2025 u Somaliland ka kaco dayax gacmeedkii ugu horeeyey .




Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa Wasiirrada xafladan ka qayb-galay ayaa hadal uu ka jeediyay ku sheegay in xilligii xilka loo magcaabay oo ahayd 26/6/2013 aanu wax qalab ah oo dhanka isgaadhsiinta ah ugu iman wasaaradda .




Waxa kale oo uu wasiirku meesha ka saaray hadalada ah in aan shirkadaha isgaadhsiinta dalku cashuur bixin ama ay lunsadaan cashuurta,isaga oo taas waxba kama jiraan ku tilmaamay,sheegayna inay horumar badan gaadhsiiyeen dalkan ,waxaanu ugu dambayn ardaydaasi kula dardaarmay inay noqdaan kuwo ay aqoontu ka muuqato.




Sidoo kale waxa uu sheegay in boostii dhowaan la kicin doono oo hawsheedii lagu jiro,isaga oo u balan qaaday hablaha ka qalin jebiyey kuliyadaasi isgaadhsiinta oo dhamaa ilaa Toddoba hablood inuu shaqaalaysiin doono loona baahan yahay.




Ugu dambayn waxa xafladaasi soo geba gebeeyey Wasiirka Wasaaradda  Qorshaynta Qaran Dr Sacad Cali Shire,kaasoo bogaadin iyo hambalyo u soo jeediyay Ardayda, isla markaana sheegay inay tahay tacliintan isgaadhsiintu mid qayb weyn ka qaadata dhaqaalaha dawladaha ama dalalka caalamka.




Dr. Sacad Cali shirre ,waxa uu sidoo kale sheegay in ardaydaasi shaqooyin kale laftooda ay qaban karan, sida iyagoo noqda macalimiin, isagoo geesta kale  tilmaamay inay hay’adaha dawliga ahi aad ugu baahanyihiin  cid aqoontan oo kale leh.




Ugu dambayn Ururkan ayaa  shahaado sharafyo halkaasi ku guddoonsiiyey  masuuliyiintii iyo martisharaftii iyo maamulka jaamacadda Gollis, iyadoo dhinaca kale arday ka mid ah kuwii ugu sareeyey iyo kuwii xafladaasi soo qaban qaabiyey iyaga shahaadooyin la siiyay.