Monday, September 30, 2013

SL: Wasiirka kalluumaysiga oo Dadka Lacagta Haysta kula taliyay inay Maal-gashadaan Kalluumaysiga:


 Hargeysa(GNA)-Wasiirka WasaaraddaKalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyay Ujeedada safar ay Masuuliyiinta Wasaaradiisa oo uu hogaaminayay ku soo mareen Jiida Xeebaha Galbeedka Somaliland ee Lowyo Caddo ilaa Bulo-xaar. Cali Jaamac Faarax, ayaa sheegay in kormeerkaasi ahaa xogogaal u noqoshada Xaaladda Dhulka xeebaha ah iyo Tamarta dadka ku foogan Kalluumaysiga, waxaanu intaasi ku daray inaanu wali safarkaasi dhamaan ee ay halkaasi ka soo bilaabeen una sii gudbi doonaan dhinaca Bariga. “safarkaasi muu dhamaan , waxaanu ka soo bilownay Lawyo-caddo,Toqoshi baanu soo marnay,Saylacbaanu soo marnay, Ceel-gaal, Lughaya iyo ilaa Bulo-xaar ayaanu ku soo marnay, waxaanay ujeedadiisu ahayd inaanu wax ka ogaano heerka Kalluumaysiga iyo siday dadku uga faa’idaystaan, waxaanan kulamo la yeelanay dadka hawshaa ku foogan”ayuu yidhi Wasiirku mar uu maanta Waraysi siiyay Telefishanka Qaranka. Wasiir Cali Jaamac, ayaa intaasi ku daray “Runtii Dadkaa aanu la kulanay waxaanu ku boorinay inay ka faa’idaystaan khayraadka Badda, Bulo-xaar waxaanu kula kulanay shirkad Mashruuc wanaagsan halkaa ka wadda, waanan bogaadinaynaa Sharaa’iga noocaas ee Kheyraadka badda ku foogan, waxaanan Bulshada siiba dadka wax haystaa ay Maal-gashadaan Kalluumaysiga iyo ka faa’daysiga Kheyraadka Illaahay Waddankeena ku beeray”. Kormeerka Wasiirku kaga soo laabtay Xeebaha galbeedka waxa ku wehelinayay Saraakiisha sar-sare ee Wasaaradda oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud Maxamed Ilko-case, waxaanu qaatay muddo dhawr maalmood ah oo ay Jiidahaasi gaalaa-baxayeen.




Gobanimonews Hargeysa Office Email:




editor@gobanimonews.com