Wednesday, September 25, 2013

Xukuumada XAMAR Oo Guddi Wasiiro Ah U Saartay Qaban-Qaabada Shirka Dibu-Heshiisiinta Maamulka Jubbaland


Muqdisho(GNA) Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacowday qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Jubba, kaas oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.




 Warsaxafadeed kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in heshiiskii 27-kii August 2013 ku dhex maray Addis Ababa dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba uu ahaa tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhinaca federaaleynta, xasilinta dalka iyo kalsooni-dhisidda Shacabka.




Ku-simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ahna wasiirka khayraadka dalka, Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa magacaabay guddigan heerka wasiir ah oo qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee shirka dib-u-heshiisiinta oo lagu qaban doono Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013, iyadoo qaybta labaad oo ah mid nabad-dhisid ahna lagu qaban doono magaalada Kismaayo.




Magacyada Xubnaha guddiga ayaa waxay kala yihiin:




Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo guddoomiyaha guddiga ah




Wasiirka Warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.




Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi




Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir




Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,  Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdishakuur Cali Mire




Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi




Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya, Axmad Cabdisalaam Xaaji Aadan




La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Dhinaca Siyaasadda, Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo ah xoghayaha guud ee guddiga




Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u mahad-celineyso dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay fududeynta heshiiskii Addis Ababa ee 27, August 2013, gaar ahaan guddoonka golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD.