Tuesday, September 24, 2013

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay ay wadaan hawlihii ugu danbeeyey ee lagaga sifaynayo rugta Wesgate hadhaagii dableyda qabsatay. Halkan ka daalaco khariidadda rugta ganacsiga Wesgate


 




23.09.2013,(GNA) -Nairobi ciidamadda dalkan kenya yaa sheegay inay wadaan hawlkalkii ugu dambeeyey ee lagag sifaynaa rugta wesgate hadhaagiii dablaydda qabsatay.




Hasse ahaatee waxa wararku ay sheegayaan in saakana mar kale laga maqlayey xarunta Wesgate qaraxyo iyo taxshiirado kala geddisan.






Ilaa iyo hadda ugu yaraan ilaa 62 qof ayaa la hubaa inta ku dhimatay weerarradan Kenya, ilaa 175 way ku dhaawacmeen.




 




.




Wasiirka arrimaha debadda ee Kenya ayaa iyana sheegtay in dableyda soo weerartay Kenya ee qabsatay xaruntii ganacsiga ee Westgate, inay ku jiraan laba ilaa saddex qof oo ajanebi ah, oo ay ku kala sheegtay Maraykan iyo Ingiriis, kuwaasi oo ay ku tilmaantay in ay ku jirto ugu yaraan hal qof oo dumar ah. Waraysi ay siisay telifishannu ku yaal Maraykan, ayaa marwo Amina Mohamed waxay ku sheegtay in dhalinyartaasi ajanebiga ah da'doodu ay kala tahay 18 jir iyo 19 jir, asalkooduna ka soo kala jeedo Soomaali iyo Carab. Waxayna intaasi ku dartay in qofka haweeneyda ahi ay haysato dhalasho Ingriis ah.




Ingiriisku waxay sheegeen in mudnaanta ay siinayaan haatan baadhitaanka iyo wax ka qabashada dhibaatada imika taagan.




Hey'adda laanqayrta cas waxay iyana sheegtay in ilaa hadda la laaya'ay ilaa 63 qof. Ciidamada Kenya ayaa hadda ka hor sheegay iyaguna in ilaa saddex qof oo ka mid ah dableydii meesha qabsatay la diley, tobaneeyey qof oo kalena la qabtay oo ay xidhan yihiin.