Hargeysa(GNA)-Waxa la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxamaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo madaxweyne Siilaanyo xidhiidhkooda wada shaqayneed wanaagsanayn bilihii ugu dambeeyay, balse ku wada jirka Qasriga madaxtooyadu kaga koobnaa gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee saran.
Sida ay Ilo-wareedyo u dhuun daloola aqalka dalka looga arimiyo Gobanimonews u sheegeen, xidhiidhka aan wanaagsanayn ee labada Masuul ayaa sababay in Madaxweyne ku-xigeenku beryahan ka maqnaa shaashada laga dheehdo dhaqdhaqaaqa Xukuumadda, gaar ahaan Madaxda ugu sareysa.
Ma cadda halka uu khilaafkani ku sal-leeyahay iyo goorta uu rasmi ahaan ka soo bilaamay, balse warku wuxuu intaasi ku darayaa inuu sameeyay hawlaha labada masuul ee qaranka ugu sareeya, gaadhayna heer madaxweyne ku-xigeenku dalka kaga baxo safar aanay ujeedadiisu cadeyn, kaasoo uu ku tegay waddanka Ingiriiska, ka dib markii uu shalay ka dhoofay Magaalada Berbera.
Maaha markii ugu horaysay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa la maqlo in xurguf siyaasadeed ka dhaxayso, waxaanay ahayd horaantii sanadkan markii uu dibada u soo baxay khilaaf huursanaa oo sababi gaadhay in Madaxweyne ku-xigeenku xilka iska casilo, isagoo ku andacoonaya in awood maroorsi lagu sameeyay shaqada qaranka loo ee soo wada doortay isaga iyo Madaxweynaha.
Arintaasi oo muddo ergadeedu socotay, isla markaana loogu garnaqay isaga iyo Madaxweynaha, ayaa eedda ugu badan isaga dusha laga saaray, waxaana lagaga gar helay qaadashada go’aanka iscasilaada ee uu qaatay iyo inuu madaxweynaha hadal awoodiisa mugdi geliyay ka sheegay, kaasoo ahaa in talada dalku cid kale gacanta ugu jirto.
Inkasta oo wakhtigaasi la xaliyay arintooda, hadana iminka waxa la sheegay inaan mudo saddex bilood lagu qiyaasay wadashaqeyntoodu saalax weeto ku jirtay oo aanu midna midka kale waji wanaagsan kula macaamileyn.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa safar aan ujeedadiisu cadeyn dawladuna aanay door muuqda ku lahayn shalay ugu baxay dalka dibadiisa, gaar ahaan waddanka Imaaraadka Carabta oo sida la sheegay uu u sii dhaafayo Ingiriiska.
Safarkaasi dadka la socda siyaasadda xukuumaddu waxay ka bixinayaan Sawir aan wanaagsanayn, balse arinta sii kordhinaysa dareenka laga qabo ayaa ah shaacinta safarkiisa oo ahayd mid aan Telefishanka iyo Ideecadda dawladu baahin, taasoo bedelkeeda xalay saacad dambe uun laga war helay.
Jiritaanka isqabsi dambe oo dhex mara Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa faashil siyaasadeed iyo dhabar jab u noqonaya xukuumadda ay madaxda ka yihiin oo ay mucaaridku ku dhaliilaan mid aan gacanta ugu jirin awoodihii Dastuuriga ahaa ee shacbigu u soo doortay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com