Tuesday, September 24, 2013

“Waxaa Ummada U Sheegayaa Xeerkan Idinka Ayaa Laydinku Dhaqayaa Markaa Idinka Ayay Idiin Taala Sidii Aad Aga Gil-gilan Lahaydeen Ee Isku Hortaagi Lahaydeen Dhaqan Galkiisa Xeerkaa Dulmiga Ku Dhisan ”. Xildhibaan Mahdi Buubaa,


Hargeysa, (GNA)-Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa, oo ka tirsan Xildhibaan golaha wakiilada, ayaa  sheegay inay ka jowso adeegeen dalab loola imanayay si ay ugu codeeyaan (xeerka takaaliifta canshuuraha wadooyinka iyo xoolaha), iyagoo xeerinaya danta shacabka islamarkaana difaacaya dariiqada saxda ah, xildhbaanku waxa uu baaq u diray shababka Somaliland inay ka gilgishaan dhaaqan galka xeerkan oo uu ku tilmaamay mid sharcidarro ah.





Xil. Mahdi Ibraahim Buubaa, oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka soo hor jeeday ansixinta xeerkan oo manta markii golaha wakiilada ansixiyeen ka dib shirjaraa’id qabatay waxaanu xildhibaanku ugu horen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay
“Xildhibaanadayadan nimaan shan-goor lagu soo noqoon ma jirto anagoo danta shacabka iyo dariiqa saxda ah ku soo celino difaanayna waanu ka jowso-adaygnay in wixiii naloola yimid aqbalno kuwa aqbalayna shacabkii soo doortay ayay u taal waxay ka yeelayaan”.
Xil. Mahdi Ibraahim Buubaa, waxa kaloo ummada ucadeeyay inaanay ka soo horjeedin in wadad ceerigaabo la dhiso balse uu ahaa  olole  been abuura shacbiga lagu majaro habaabinayay, waxaanu yidhi,
“waxaa jecelahay inaan shacabka u uftiimiyo inaanay jirin ololaha beenta ah ee la leeyahay mudanayaashaasu waxay diidan yihiin in wadooyin laydiin dhiso madiidanin in wado lashiso laakiin qaabkan loo dhisayo sidan maaha kii saxda ahaan maaha mid wado lagu dhisayana maaha waa mid ujeedo yar oo gaaban laga lee yahay  waa danta ku jirta kow ka tahay afartii markab ee hore way na dhaafeene lixda dambe aynu ka gaadhno ee  noo dadajiya muhiimada laga lee yahay taas ayaa kow ka ah waa lacag urursi horaan u sheegay”.




Xil. Mahdi Ibraahim Buubaa, waxaa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay ka gilgishaan in xeerkan aan lagu dhaqan galin.
“Waddo hadii la dhisayo hayadii wadooyinka ee qarankan ayaa sharciyadeeda la samayn lahaa madax-banaanideedana loo dayn lahaa, waxaa ummada u sheegayaa xeerkan idinka ayaa laydinku dhaqayaa anaguna shakhsi ayaa ka noqonaynaa  oo kamid ayaanu nahay dadka lagu dhaqayo, markaa idinka ayay idiin taala  sidii aad uga gil-gilan lahaydeen ee isku hortaagi lahaydeen dhaqan galkiisa xeerkaa dulmiga ku dhisan ee aan ud anaynaynin danta ummada idinka ayay idiin taalaa”. Ayuu yidhi, Xil. Mahdi Buubaa
Golaha  wakiilada Somaliland ayaa manta aqlabiyad ku ansiyay xeerka takaaliifta canshuuraha wadooyinka iyo xoolaha dood ay ka yeesheen ka dib.