Saturday, September 28, 2013

‘Farruurooy Adiga Lagu Nac, Lagaana Noqay’Q. Faadumo A. Maxamed


Waxaan halkan ka salaamayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, labada gole l qaran iyo shacbigeena wanaagsan meel ay joogaanba. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa goboladda iyo degmooyinkii madaxweynuhu dhagaxa dhigay, gaar ahaan waddada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.




Madaxweynaha Somaliland waxaanu ugu mahad naqaynaa jahaynta iyo ku dhaca uu sameeyay, runtiina wuu u hiiliyay ummaddiisa, waxaan ahay gabadh yar oo 16 jir ah, aabahay iyo hooyaday waxay ku dhinteen kuna muqmadoobeen shil baabuur oo waddada Ceerigaabo ka dhacday, aniguna aan ku jajabay, markii aan bogsaday dani waxay igu khasabtay in aan iskuulkii ka baxo, jaaryad nimana ku shaqeeyo, si aan u quudiyo labadii caruurta ahaa ee iga yaraa iyo ayeyday. Waxaan ku xamdi naqayaa, dawlad-nimada, nabadgelyada iyo caafimaadka aan haysto.




Waxaa layaab leh ka dad iyo xoolaba buuxa ee gurigiisa ay shanta gaadhi ku jiraan, ee haddana habeen iyo maalinba balaayo doonka heeganka u ah, waa halkii heestiiye ‘Dadka kii dhargow daran’.




Maalintii madaxweynaha Somaliland uu waddada dhagax dhigay ee aan Telefiishanka ka daawaday khudbadihii madaxweynaha, wasiir xirsi iyo wasiir caddaani, waxay i xasuusisay daqiiqadii shilku dhacay ee aabahay iyo hooyaday oo hilbo ahi ay hortayda yaaleen, qiiraddii wasiir Caddaanina waxay iga keentay oohin aan ilaa maalintii labaad aan ooyayay aniga oo aan oomati afka saarin.




Wasiir Caddaani gaadhi ayaa kula qalibma isla halkii uu anaga nagula qalibmay, dareenka iyo dhibka ayuuna ila qabaa. Isla markiiba waxaa bilaabmay abaabul ballaadhan oo ay mucaaridku wadaan, kaas oo ay doonayaan in nay wiiqaan dedaalada ay xukuumaddu ugu jirto dhismaha waddooyinka dalka. Waxaan miciinsaday  Salaad iyo duco, markii aan itaal kale waayay. Wixiiba waxa igaga daran, mucaaridka sida Tabliiqa xaafadaha wareegaya ee leh mudaharaada, oo leh subuxii ku mudaharaada Baarlamaanka, aniga oo arkayay in la iigu tallo galay haddana in xabbada ugu horaysaa ee RRU-du ay madaxa igaga dhacdo aniga iyo ciyaalka kale.




Waan kala garan waayay, oo waxaa ii soo baxay sawir ah shabaabta ciyaalka adeegsata iyo ka leh caruurta mudaharaada in aanay waxba u dhaxayn. Mucaaridku waxa ay Telefiishanka ka leeyihiin, waxaanu faraynaa xildhibaanada golaha nagaga jiraa in ay diidaan xeerka waddooyinka, mana oga goor isugu dambaysay iyaga iyo xildhibaanadooda. Waxay qaateen laaluuush iyo haddalada meel ka dhaca ahna xaal baan ka siinayaa xildhibaanada golaha Baarlamaanka.




Waxaan maqli jiray mawtal qafle dadka dila, waxaan ogaaday maanta in uu jiro mawtal qafle siyaasadeed oo qofku aanu dhimanayna noolaanayna, waa mawtal qaflaha xisbiyada mucaaridka ah maanta ku dhacday, isla markaanna laga maanta laga wada matagayo.




Mucaarad-nimadu cay maaha, shicibkuna waxa uu idiinka fadhiyaa, marka aad leedihiin dhismihii Airporta ayaa la musuq maasuqay waxaa la idiinka fadhiyaa in aad Injineero soo kaxaysaan oo aad soo caddaysaan xajiimaynta beenta ah ee aad waddaan.




Waxaan si sharaf iyo maamuus leh kaaga codsanayaa madaxweyne, waxaa jira safaaraddo badan oo halbawle ah oo aynu uga baahanahay wakiillo aqoon iyo khibrad leh, waxaan mar labaad kaa codsanayaa in mujaahid Cali Guray oo had iyo goor aan ku arko warbaahinta nin adag oo karti lehna ah, wax waynna inaga tari doona ictiraaf raadinta iyo iska caabinta cadawga dibadeed in aad u magacawdo safaaradda koonfurta Suudaan.




Odayaasha goluhu waa mujaahidiin sharaf leh oo tacab baddani kaga jiro qaranka, dulqaadkaa iyo odaynimadaas ku wad, shacabkuna waa ka marag. Waxaan si gaar ah uga codsanayaa shacabka Somaliland, waddada dhibta intaa leegi ay iga soo gaadhay in hiil iyo hooba lala garab istaago.




Maqaalkan waxaan ku gunaanadayaa sheekadan yar ee gaaban. Gabadh farruuran oo aad u cay badan ayaa lagu yidhi farruurooy gabadhii kaa waynayd ee Ceebla waa la soo doonay, waxaan ku jawaabtay waan filayay, afartan Geela, Faras iyo qorina waa laga bixiyay, faruuro waxay ku jawaabtay waan filayay. Haddana waxaa lagu yidhi Bushaaro Bushaaro, Farruuro adigana waa lagu soo doonay, iyana waan filayay ayay tidhi. Waxa lagu yidhi Farruuro adiga lagu nac oo lagaa noqay, waxay tidhi iyana waan filayay.




Farruuro waxaa lagu yidhi, wax walba waxaad tidhi waan filayay ee bal sharax, waxay tidhi waan filayay in walaashay Ceebla la soo doonayay oo walaashay waa gabadh qurux, sharaf iyo xishood ILLAAHAy ku mannaystay oo waan filayay in la soo doonayo, in Geel, faras iyo qori laga bixinayana waan filayay.




Marka la yidhaahdo waar gabadhaa wanaagsan ee Ceebla gabadhi ma ka yartahayna waan filayay, marka faruurtayda iyo caydayda la arko in la iga noqonayana waan filayay.




Maanta dawladda iyo shacbiwaynaheedu waa isku dan isna fahme, dawladduna mar dambe yaanay mucaaridka u jawaabin anaga oo shacabkii ah ayaa dantayada ilaashanayna una jawaabayna mucaaridka been abuurka ku caan baxay.




Wasiirrada xukuumadda Somaliland-na waxaan leeyahay idinka ayaa u dhexeeya madaxweynaha qaranka iyo shacabka reer Somaliland ee jecel qarankooda, waxaan idiin soo jeedinayaa oo aan idinku bogaadinayaa in aad haagaajisaan oo aad si wacan u adkaysaan xidhiidhka bulshada iyo xukuumadda.




Qalinkii: Faadumo Axmed Maxamed Cabdillaahi




Hargeysa




Somaliland