Saturday, September 28, 2013

Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab oo Fariintii ugu Cuslayd u diray Shacbiga iyo Dawladda Kennya






 




Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab oo Fariintii ugu  Culus u diray Shacbiga iyo Dawladda Kennya




“Hada Waxa Aan U Sheegayaa Dadka Iyo Dawladda Reer Kennya Inay Laba Kala Doortaan,Inay Ciidamadooda Somalia Kala Baxaan Iyo Inay U Diyaar Garoobaan…….“Gudd,Al-Shabaab (In-Godane)




 




Hogaamiyaha Kooxda Al-Shabaab, Mukhtaar Abdirahman Abu Zubeyr ayaa markii ugu horeysay si toos ah dadwaynaha reer Kenny  iyo dawladdooda Fariin Weerarkii Westgate ka dib ugu soo diray.




Horjoogaha AL-Shabaab  Axmed Cabdi (Godane) ayaa fariintan iskugu jirta hanjabaada iyo waanada ugu sheegay in aanay dadka reer Keenya qaadi Karin weeraro la mid ah kii Westgate ama kabasii culus oo ay ku waayi karaan danahooda,dhaqaalahooda iyo Wiilashoodaba sidaasi darteed loo baahan yahay inay ku qasbaan inay dawladdii ay doorteen ee Cashuurtooda Mashuhaarka u siisa ay Ciida Somaaliyeed kala baxaan hadii kale Weerarada Kooxda Al-shabaab ay ka cuslayndoonto koo Westgate ee u danbeeyay.




 




Guddoomiye Axmed Godane oo ugu horeyn sababaynaaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Keenya guul taariikhi ahna  ku tilmaamay weerarkaasi waxa uu yidhi“Toban Cisho ka dib markii ay u dabaal degeen 12-kii  Weerarkii 11/9/2001  ee Mujaahidiinta Muslimka ahi ku qaadeen Maraykanka,waxa weerar ay mujaahidiintu ku xardheen dhiigooda oo ay ku aarsanayaan iyagoo dadkooda metelaya kaas oo taariikhda ku xusan ay ku qaadeen Nairobi,waxanay Mujaahidiintu tuseen tamardarada Kennya ay leedahay iyago Mujaahidiintu arintan kaga jawaabaya dagaalka ay Gaaladda iyo dawladda Kennya ku qaadeen Ciida umadda Muslimka ah iyo Xasuuqa ay Ciidamadda Kennya ka geysteen gudaha Somalia ee ay dadka tamarta daran ee masaakiinta ah u gaysteen”




Horjoogaha ururka Al-Shabaab, Mukhtaar Abdirahman Abu Zubeyr oo hadalkiisa sii wata ayaa reer Kennya laba kala dooran siiyay waxanu yidhi “Hada waxa aan u sheegayaa dadka iyo dawladda reer Kennya inay laba kala doortaan ta hore waa inay Ciidamadooda ka jooga Somalia ay kala baxaan iyo ta labaad oo ah inay u diyaar garoobaan Weeraro ka culus kana daran kii hada ay ku qaadeen Mujaahidiinta Al-Shabaab Westgate waxana hubaal ah in ay Kennya wixii imika ka danbeeya u diyaar garowdo Dhaqaale burbur iyo Barakac dalkooda iyo dadkooda aanu gaadhsiindoono”




Mutaar Abdiraxmaan Abu Zubeyr oo dadka reer Kennya si gaar ah ula hadlaayay waxa uu yidhi “Waxa aad qaybka tihiin dagaal aana loo baahnayn in aad qaybka ahaataan,waa dagaal aad ku waayaysaan  danahiina aad ku waayaysaan dhaqaalahiina aad ku waayaysaan Wiilashiina,waxa Xasuuqa iyo gumaadka aan loo meeldayaynin noo gaysta Ciidamadiina,waxaanad ogaataan in aad idinku doorateen Siyaasiyiinta ,waxa aad tihiin kuwa iyagu  Ciidamadda UHURA ah Muslimiinta Kismaayo  iyo qaybo kale Xasuuqa ka wada waxa aad taageertaan go’aamadda ay dagaalka ku galaan idinka ayaa ku taageersan,waxana aan huba in dalkiina Kennya aanu awood u lahayn dagaal daba dheeraada oo uu nala galo waan idin kala talinayaa”




Wariye Mr Hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Hargeysa office/Somaliland