Wednesday, September 25, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Wakiillada iyo Guurtida Dhexdooda ku Bireeyay Xeerka Waddooyinka, Wareegtona ku dhaqan-geliyay Caawa, Maxaa sababay ?


Hargeysa(GNA)-Warsaxaafadeed ka soo baxay goor-dhaweyd Aqalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuu (Siilaanyo), wareegto madaxweyne ku dhaqan-geliyay Xeerka Takaaliifta horumarinta Waddooyinka dalka, dood adag iyo Cabashooyin  isbarkanaa ka dib Maanta Golaha Wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay.




Dhaqan-gelinta Madaxweyneha ee Xeerkaasi, ayaa timi xili ay Asxaabta Mucaaridka ah iyo qaybo ka mid ah Bulshadu walaac weyn ka muujinayaan ansixinta Golaha ee Maanta, taasoo u muuqata mid Xukuumaddu ugu quus-goynayso dhinacyada ka soo horjeeda, isla markaana kaga faa’idaysanayso Xoolaha Nool ee Dekedda berbera ka dhoofaya xiligan lagu jiro Moosinkii Xajka oo ah wakhtiga ay xoolaha ugu badan dibada loo dhoofiyo.




Wareegtada Madaxweynuhu ku dhaqan-geliyay Xeerka ayaa u dhigan sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013       ku  dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.




Madaxweynuhu:-




Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;




Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;




Markuu Arkay:  Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-  22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.




Wuxuu Soo Saaray




Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland”ayaa lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyadu soo saartay.




Xeerkan takaalifaatka Horumarinta Waddooyinka oo ay Wasaaradda Madaxtooyadu soo curisay, ayaa Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha wakiiladdu u soo gudbiyeen Golahaasi, ka dib markii ay qodobo ku soo dareen qabyo Qoraalka Xukuumaddu soo gudbisay.




Soo Gudbinta Guddida Arrimaha bulshada ayaa Dastuuriyan Xeerkaasi ka dhigaya mid khuseeya arrimaha Bulshada, sidaasi darteedna ay ahayd inuu Golaha Guurtida maro, inkasta oo sharciyan aan Guurtida la marin Xeerarka ku saabsan dhaqaalaha ee Golaha wakiillada ka soo baxa.




Laakiinse Xeerark dhaqaalaha ku sal leh ee aan Guurtida la marin ayaa ah kuwa ay Golaha wakiillada u soo gudbiyaan Guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golahaasi.




“Xeerarka dhaqaalaha ku salaysan, sida Miisaaniyaddaha iyo kuwa kale ee Takaalifaadka ah eek an la mid ah ma maraan Golaha Guurtida, laakiinse waa marka Guddida dhaqaaluhu Wakiillada u soo gudbiso, markaa xeerkan waxa soo gudbiyay Arrimaha Bulshada, waxaanay ahayd inuu guurtida maro”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay  Sharci yaqaan reer Somaliland oo mawduucan ka hadlay.




Si kastaba ha ahaatee Go’aankan madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-geliyay Xeerka Waddooyinka, ayaa ah mid uu ku deg-degay ama kaga boobay dhamaystirka Sharci ee uu u baahnaa, maadaama oo aan markii hore la soo marin nidaamka Maaliyadeed ee dalka u yaala, balse lagu saleeyay adeegyada Bulshada oo ay labada Golle awood u leeyihiin inay isaga dambeeyaan wixii sharci laga soo saarayo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com