Friday, September 27, 2013

Dagaalo Xoog ah oo ka Socda dalka Syria Xili ay Baadhayaasha Qaramada Midoobay ku Noqdeen Dalkaasi


(GNA) Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaal yahanka Mucaaradka dalka Syria ayaa lagu soo waramyaa inay ka socdaan dalkaasi xili ay kooxdii baadhayaasha hubka Chemicalka ee ka socotay Qaramada Midoobay dib ugu noqdeen dalkaasi.




Dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda Madax weyne Asad iyo kuwa Mucaaradka ayaa la sheegayaa inay ka dhacayaan qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi gaarahaan dhinaca koonfurteed  halkaasi oo ay ciidamada mucaaradku kula dagaalamayaan ciidamada dowladda oo iyaguna doonaya gacan ku haynta xadka Syria ay la wadaagto dalka Jordan.




Saraakiil u hadashay dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee dalka Syria oo la hadlayay Tv ga Al Jazeera ayaa sheegay in ciidamada mucaaradku ay haatan la wareegeen gacan ku haynta magaalada istaraatiijiga ah ee Ramtha oo ka tiran gobolka koonfureed ee Darca.




Dagaalka ayaa imaanaya  xili khuburadii hubka Chemicalka ee ka socotay Qaramada Midobay ay dib ugu noqdeen dalka Syria si ay baadhitaano dheeraad ah ugu sameeyaan  hubka chemicalka ah ee loo adeegsaday dagaalka dalka Syria ee ka dhacay deegaano kale oo ku yaal dalkaasi.




Kolon yadii waday baadhayaasha ayaa arbacadii gaadhay hutel ku yaala magaalada caasimada ah ee Dimishiq todobaad kadib markii ay Qaramada Midoobay u xaqiijiyeen in hubka sunta ah ee Sarinka loo yaqaan loo adeegsaday weerarkii 21 kii August ka dhacay duleedka Dimishiq ee ay ku dhinteen dadka aadka u badnaa.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com