Tuesday, September 24, 2013

Ohio:Madaxweyne xasan Sheikh oo Dhalinyarada Somaliyeed ee Jaamacadda Ohio wax ka barata u jeediyay Khdubad Qiiro leh


Ohio(GNA)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Jaamacadda Ohio State University iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.




Kulankaas kadib ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu khudbo ka jeediyey Glenn School of Public Affairs oo qeyb ka ah Jaamacadda Ohio, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen dad dhaafaya 250qof.




Jaamacadda Ohio ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Maraykanka si weyna loo qadariyaa, waxaana Khudbada madaxweynuhu  socotay ilaa iyo 40daqiiqo.




Madaxweynaha ayaa sheegay in Waxbarashadu ay tahay lama huraanka nolosha ayna haboon tahay inaan marnaba laga harin.




Madaxweyne Xasan ayaa ka waramay xaaladda nabadgelyo, siyaasad, dhaqaale iyo waxbarasho ee dalka Soomaaliya wuxuuna kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadda Ohio inaysan hilmaamin dalkooda Hooyo ayna muhiim tahay inay kusoo noqdaan markay waxbarashadooda dhamaystaan isbedel fiicanna ka sameeyaan.




Mahadnaq gaar ah kadib wuxuu Madaxweynuhu ku booriyey madaxda Jaamacadda Ohio inay dhanka waxbarashada ka caawiyaan dalka Soomaaliya.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa muddo dhawr maalmood ah ka sugnaa waddanka Maraykanka, halkaasoo intaanu Gobolka uu hada joogo iman uu kulamo kula soo yeeshay Magaalada Washington Wasiirro sar-sare oo dawlada Maraykanka ah, kuwaasoo uu kala hadlay xaalada somaliya iyo sidii USA door wax ku ool ah uga qaadan alahayn dib u dhiska iyo nabadeynta dalkiisa.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com