Friday, September 27, 2013

SL: Madaxtooyada oo sheegtay in Golaha Wasiirradu Kulankoodii Maanta Ansixiyeen Miisaaniyadda 2014-ka oo dhan $152.


Hargeysa(GNA)- Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu gudoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa ku ansixiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka.




Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul oo shirkaasi ka dib u waramayay saxaafada ayaa sheegay in miisaaniyaddani ay tahay tii ugu badnayd ee Somaliland yeelato isla markaana ay gaadhayso 212 Milyan oo Dollar.




“Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada oo uu gudoominayay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa goluhu ku ansixiyay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2014-ka. Waxaanay miisaaniyaddani Goluhu ansixiyay ay dhammayd 152 Milyan oo dollar oo xukuumadda dhexe ah. Waxa kale oo jira miisaaniyadda haa’yadaha kale ee dawliga ah, marka wada guud ee miisaaniyaddu noqonayso 212 Milyan oo Dollar. Waa miisaaniyad aad u badan oo wax-weyn ka qaban doonta hawl-socodka adeegga dawladda,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.




Afhayeen Dhuxul waxa uu intaas ku daray “Waxa aad loogu ammaanay Wasiirka Maaliyadda sida daacadnimadda leh iyo kartida leh ee uu u soo saaray Miisaaniyaddan.”
Waxa kale oo uu sheegay “Miisaaniyadda 2014, waxay miisaaniyaddii sanadkan 2013-ka ka badan tahay 20%.”




Afhayeenku waxa uu sheegay inay ku jiraan odoroska miisaaniyadan mashaariic faro badan oo horumarineed oo ay ka mid yihiin waxbarashadda, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyadda bulshadda.




Miisaaniyadan ayaa ah tii ugu badnayd ee Somaliland yeelato, waana miisaaniyaddii ugu horaysay ee la diyaariyo iyadoo aan sanadku dhammaan,waxaana lagu wadaa in todobaadka fooda innagu soo haya loo gudbiyo aqalka Wakiiladda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com