Thursday, September 26, 2013

Hargeysa: Reer Sanaag oo Madax iyo Minjo u Balamay Qadhaan u Uruurinta Laamiga Ceerigaabo oo Laasqoray looga yeedhayo


Hargeysa(GNA)-Xaflad Si weyn loo soo Agaasimey oo qaadhaan loogu ururinayey wadada isku xidha  Gobolka Tog-dheer  iyo  Sanaag ayaa Xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee Magaaalda Hargeysa,taasoo ay ka soo qaybqaleen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, oo ay ka mid yihiin Wasiirradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal,Kaluumaysiga iyo Xeebaha  Cali jaamac Bureed iyo Horumarinta Biyaha, wasiiru dawlaha Maaliyada Cadaani,  Xildhibaano,  Salaadiin,  Garaado, dhalinyaro, Haween, iyo dadweyne kale oo tiro badan.




Xafladan ayaa intii ay socotay dhaqaale aad u badan loogu ururiyey waddadaasi iyada masuuliyiinta qaarkood  iyo dad kaleba ku yabooheen dhaqaale oo ay kaga qaybqaadanayeen Dhismaha wadadaasi.




Mareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Jaamac (Caaray) oo halkaasi uga hadlay Guddida qaban-qaabisay xafladaasi, ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay Munaasibadani “Halkan waxaynu iskugu nimid taageero aanu u muujinayno jidka isku xidha Gobolka Sanaag iyo inta kale ee Somaliland, waxaynu runtii aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo ku dhiiraday in uu qaranka u dhagax dhigo wadadaasi oo halbawle u ah Somaliland.”Ayuu yidhi




Garaad C/laahi Garaad Maxamed Guleed, Boqor Faysal Cusman, Suldaan Rashiid Suldaan Cali, Suldaan Siciid Suldaan Yuusuf Ducaale iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo iyaguna xafladaasi ka hadlay ayaa dhammaantooda iftiimin ka bixiyay faa’idadda ay wadaasi u leedahay dadka deegaanka Gobolka Sanaag, iyagoo shacabka Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag u soo jeediyey in ay Guntiga dhiish iskaga dhigaan, sidii ay dhismaha jidkaasi uga qayb-qaadan lahaayeen.




Madaxdhaqameedyada ayaa intaasi ku daray in dhismaha jidkani Bulshada Gobolka Gaddoonka ka saarayo, sidaasi darteen  ay iyagun iska  bilaabaan qaadhan bixinta si dadka kale ee reer Somaliland ugu daydaan,iyagoo  madaxweynaha Somaliland-na ugu Hambalyeeyey sida geesinimad leh ee uu wadadaasi u dhagax dhigay.




Guddomiyaha Bangiga dhexe ee  Somaliland Cabdi Diriir Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka qayb qaadanayo tabarucaadka loo ururinayo waddadan, waxaanu yidhi. “Runtii waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ku guuleystay in uu dhagax dhigo wadad ugu dheer somaliland ee Gobolka Sanaag, haddii aan ahay guddoomiyaha Baanka Somaliland anigu waxana ku yaboohayaa 1,000 Dollar, Baanka Somaliland waxaan ka rajeynayaa in aynu ka helno lacag xoog leh taasi oo aynu kaga qaybqaadanayno wadadaasi.”Ayuu yidhi.




Guddomiyaha Hay’ada Ilaalinta Tayada Cali Biikalo oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay waddadani tahay mid halbawle u ah qaranka Somaliland, loona bahan yahay in laga wada qayb-qaato dhismaheeda.




Wasiir Ku-xigeenka Macdanta ee Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan oo ka mid wasiirrada ka soo jeeda Barriga Gobolka sanaag ee Xukuumadda ku jira  ayaa sheegay in loo bahan yahay in waddadan la gaadhsiiyo ilaa Laasqoray oo aan ay ku joogsan Ceerigaabo.




Dhinaca kale Wasiirrada kale ee xafladaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay qaadhaan Uruurinta loo sameeyay bilowga Jidka Burco iyo Ceerigaabo oo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dhagax dhigay intii uu ku guddo jiray Safarkii uu goboladda Bariga.




Waxaanay dhanka kale Munaasibaddani noqonaysa tii ugu horaysay ee dhaqaale uruurin loogu sameeyo, Mashruucaasi oo muhiimad weyn u leh isu socodka Gobolka Sanaag iyo Gobollada kale ee Dalka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com