Monday, September 30, 2013

Ceerigaabo: Bilayska Sanaag oo Dhaawac ku qabtay Nin Shicib ah oo Maanta Toogasho ku dilay Askari Hawl-gal ku jiray


Ceerigaabo(GNA) Hal qof oo la sheegay inuu Bilayska gobolka Sanaag ka  tirsanaa ayaa la sheegay inuu  toogasho ku dilay  Nin Shicib ah oo Hay’adaha Amaanku raadinayeen. Deegaanka Ximan-gareen oo qiyaastii 20-km jahada bari kaga Beegan  xigta magaalada Ceerigaabo.




Dilka ayaa dhacay Xili Duhurnimadii Maanta ah, ka dib markii Ninka dilka geystay jidka u galay Kolanyo Ciidanka amniga ka tirsan oo isaga raadinayay, sida uu sheegay Badhasaabka Gobolka Sanaag oo warbaahinta uga waramay falkaasi.




 “Ninka boliisku doonayeen inay soo qabtaan ayaa dhexda u galay ciidanka waxana halkaas ku geeryoodey hal askari gacan ku-dhiiglihiina waa la qabtay”.




Axmed Muxumed Geele (Dacar) Badhasaab Gobolka Sanaag waxa uu intaasi ku daray “Ninkan waa laga soo dacwoodey waxayna bilayku u socdeen in ay meesha soo eegaan mana jirto cid dhaawacantay oo ilaa hadda taliyaha qaybtu ii sheegay”.




Dhinaca kale Saraakiisha amaanka ee Gobolka Sanaag, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ciidanka Bilaysku gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiiglaha Askariga dilay, kaasoo gelinkii dambe ee Maanta  isagoo dhaawac ah lagu qabtay hawl-gal Taliyaha qaybta Bilayska Gobolku hogaaminayay.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Ninkaasi Bilaysku u soo dhaadhiciyeen dhinaca Magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo lagu xidhay, iyadoo saarakiishu intaasi ku dareen in xaalada amaanka ee deegaankii uu dilka ku geystay Degenyahay.




Dhinaca kale Ciidamada amaanka ee Gobolka Sanaag, ayaa maalmahan si joogto ah u waday hawl-galo lagu sugayo amaanka Gobolka oo dhawaan Magaalo-madaxdiisa rabshado ka dhaceen.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office




Email: editor@gobanimonews.com