Thursday, September 26, 2013

Wasiirka Duulista iyo Kooxdiisa oo Madal ay iskaga difaacaan Eedeymaha Musuqmaasuqa Madaarka Hargeysa dad badan ku Casuumay


Hargeysa (GNA) Munaasibad Balaadhan oo lagu soo badhigayey hanaankii ay ku baxday lacagtii lagu dhisay madaarka Caalamig ah ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay Magaalada hargeysa.




Munaasibadan oo Caawa lagu qabtay Hoolka Shaqaalaha ayaa waxa ka soo qabtay Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Qorshaynta qaranka Sacad Cali  Shire, Xildhibaano, Saladiin, Haween, iyo Ardayada Jaamacadaha Somaliland.




Agaasimaha Guud ee Wasarada Duulista iyo Hawada ee Somaliland  Md. Axmed Dalal Faarax oo halkaasi ugu horeyn  ka hadlay ayaa  waxa uu  sheegay in mashruuca madaarka lagu dhisayey lacagta ku baxaysay qiimaheedu uu ahaa 5Millayn oo Dollar, waxa kale oo uu ka hadlay cida lacagtaasi gacanta ku haysay iyo waliba hanaankii lacagta lagu bixiyey, waxaanu sheegay in qandaraaskii madaarka ay ku guulaystay shirkad laga leeyahay dalka China, isaga oo tilmaamay in muwaadin reer Somaliland ahi na kula lamaana shirkadaasi. Waxaanu yidhi.




“waxaan ugu horeyn salaamayaa wasiirka wasaarada duulista , maxamuud xaashi cabdi waxaa kalo aan salaamayaa madaxda ka socota haya’adaha, mashruucani waxaa uu ka koobnaa 10 kun milyan oo doolar qaybta koobaad waa xoojinta nabad galyada iyo hawlaha madaarkam qaybta labaad bilicda, qaybta saddexaad waxaa ay ahayd mashruucan  oo indha indhyn lagu sameynayay mashruucani wakhti ahaan  waa uu nala dheeraaday dawlada Kuwait ayaana siisay dalka hase ahate markii dawladani ay heshay ayaa la bilabay , mashaaricdan markii la soo qaybiyay ila 5biloodh ilaa 6 bilood ayaa iyana hawl nagu qadatay




Waxaa jirta in taas kadib waxaa mashruucan eegisteeda lahaa dawlada Kuwait sharkada inagu caawisay intaas kadib waxaan idiin shegayaa inaan caawa idinka jaahil saarno beent aiyo boga bogaandada nalagu eedaynayay wasarad ahaan waxaan u duwayaa inuu ka war bixiyo Dr: Faami”




Dr. Faami  oo ahaa Sarkaal Sarre oo maamulayey mashruuca kana socday Shirkada Kuwait Fun  oo isaguna halkasi ka hadlay ayaa faahfahin dheerka bixiyey hawlihii kala duwan ee laga qabtay madaarka Cigaal, isaga oo sheegay in ay bulshada Somaliland iyo kuwa caalamkaba u gudbiyeen ciddii ka qaybglaaysay qandaraaska  la bixiyey waxanu yidhi. “Markaas ka bacda markii aanu eegnay waxaa ay u bahantahay dawladu waxaan sameynay inaanu tagno oo aanu soo eegno  markaas qaybta labaad waxanu u eegnay qaabka iyo meesha waxaa ka dhacaya sidii lo habeyn lahaa iyo sidii loo dhigi lahaa run way fiican qaybitii  saddexaad waxaa ay ahayd siidii loogu dhaqaaqi lahaa anaga oo u taagan sharkada qandaraaska siisa dawlada si ay u la dhisto markaas waxaa weeyi qofkastaa oo ku jira mashruuca anagi iyo dadkii iska lahaa oo ay ka mid yahiin wasaarada iyo sharkada dhisaysay markaa in lasy caawiyo ayaa fiican oo lays gacan qabto o lays toosiyo waayo markasta waxaa soo bixi kar khaladaad :Ayuu  yidhi




Waxa kale oo uu intaasi raaciyey. Waxa uu yidhi “Kan ugu danbeeyay waa kan ugu danbeeyay waxaad u timadeena waa qiimeynta inaad ogaataan waxaan in yar idiinka taabanayaa mashruucan ay bixisy Kuwait inaan in yar idiinka tab taabto marka ugu horeysa mashruucan ujeedadiisu waxaay ahayd inay sameeyso horun mar mashruuc markaana.




Markaas ka bacda markii anu eegnay waxaa ay u bahantahay dawladu waxaan sameynay inaanu tagno oo aanu soo eegno  markaas qaybta labaad waxaan u eegnay qaabka iyo meesha waxaa ka dhacaya sidii lo habeyn lahaa iyo sidii loo dhigi lahaa run way fiican qaybii saddexaad waxaa ay ahayd siidii loogu dhaqaaqi lahaa anaga oo u tagnay sharkada qandaraaska siisa dawlada si ay u la dhisto markaas waxaa weeyi qofkastaa oo ku jira mashruuca anagi iyo dadkii iska lahaa oo ay ka mid yahiin wasaarada iyo sharkada dhisaysay markaa in lasy caawiyo ayaa fiican oo lays gacan qabto o lasy toosiyo waayo markasta waxaa soo bixi kara khaladaad kan ugu danbeeyay waa kan ugu danbeeyay waxaad u timadeena waa qiimeynta inaad ogaataan waxaan in yar idiinka taabanayaa mashruucan ay bixisy Kuwait inaan in yar idiinka tab taabto marka ugu horeysa mashruucan ujeedadiisu waxaay ahayd inay sameeyso horun mar mashruuc markaana layskama bixiyo deeqdee waxaa lagu sameeya daraasad deeqddu waxay tahay waa inuu ahaaddaa mashruuc muhiimad u leh cida loo qabanayaana markaa waa inay daraasad u tahay inay dawladu soo codsato darsadaasi waa iny laba qaybood ahaayaa daraasad iyo qayb dhaqaale intaas marka aanu soo dhameyno ayaa waxaa aanu u gudbinaa hayada loo xil saray gudidaas waxaa ay eegayaan war bixinta la soo gud biyay mid farsamo iyo muhiimada ay leedahay markaa waa inay sameeyaan xog gudiidi maamulaysay dhaqaalaha, markaas iyaga soo jeedintooda waa inay ku salaysnaataa shuruiudaha looga baahan yahay in lagu maal galiyo mashruuca markaas gudida oo ka kooban qayb farsamo iyo qayb dhaqaale iyada oo loo diraayo qiimay iyo soo eegid markay ka soo noqodaan inay meeshii soo eegaan ayaa gudiida labada ka koobani waxaay gudbinayaan war bixintoodi u danbeyay iyaga oo raacin doona waxa ay la kulmeen marka ay war bixintooda ugu danbeysa"ayuu yidhi.