Saturday, September 28, 2013

SOM: Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo Khilaaf ka dhex qarxay iyo Qoraalo ay isdhaafsadeen oo Cadho dhaliyay


Muqdisho(GNA)-Khilaaf ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Dalka Prof,  Axmed Cismaan Jawaari, kaasoo ka dhashay Heshiiskii dawlada Federaalka ah iyo Jubaland dhexmaray bishii hore.




27 Bishii Agoosto ee Sannadkan ayaa Magaaladda Adis-Abab waxa Heshiis ku kala Saxiixdey Maamulkii Axmed Madoobe iyo Dowladda Fedeeraalka taasoo Dowladu Sheegtey in lagu soo Afjareyo Colaad Muddo ka taagneyd Magaaladda Kismaayo,kaasoo ay ay ka hor yimaadeen inta badan Beelaha Degga Gobolada Jubooyinka oo Sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid aan lagala tashan Dadka Deegaanka, waxaana diidmada hormuud u ahaa Beelaha Digil iyo Mirifle oo Odoyaashoodu oo  Sheegeen in Dowlada ay Heshiis kula gashey Deegaan ay leeyihiin Beelaha Digil iyo Mirifle.




Diidmadaasi ka sekow Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle waxa kulan ay si Deg Deg ah isugu yimaadeen oo ka dhacay Magaaladda Baydhabo ku sheegeen in ay Kalsoonidii kala laabteen Dowladda Federaalka, iyagoo Xildhibaanadda iyo Wasiirrada Beelaha dawlada kaga jirana  u soo jeediyey in ay Deg Deg u yimaadaan Magaalada Baydhabo si looga arrinsado Heshiiskii ay wada gaareen Dowlaada Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe, oo ay u arkaan in Xaquuqa ay lahaayeen lagu Duusiiyey,iyagoo Magaaladda Baydhabo lagu qabtey Banaanbax Looga soo horjeedo Heshiiskii Magaaladda Adis-Ababa.




Codsiga Odoyaasha Beelahaasi waxa u Hogaansamey inta badan Xildhibaanadii iyo Wasiiradii Dowladda Federaalka ku lahaayeen waxaana maalmo yar ka dib magaalada Baydhabo gaadhay Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, kuwaasoo kulamo la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka ee Gobolka Bay.




Kulamada ay wada yeesheen Madaxda dhaqanka iyo Masuuliyiinta Dawladu ayaa laga soo saaray go’aamo u dhignaa sidan:





  1. In la dhiso Dawlad G oboleed ka kooban lix da Gobol l kuwaasoo kala ah : Shabeeladda Hoose Jubada Hoose, Jubadda Dhexe , Bay, Bokool iyo Gedo. si da ugu Dhaqsiyaha badana loo Dardar galiyo Dhisida Dawlad Goboleed ka Koonfur Galbeed .


     




    2. In Heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda ka socotay Kismaayo ee ay kula gashay Magaalada Ad d is Ababa Bishii A g o o s t o 2 7 , 2013 uu yahay mid aan marnaba la aqbali Karin, kaasoo ah mid aan Waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq - Duudsi Bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Sidaa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula Taliyo in ay dib ugu fiirsato.




    3. In Beesha Caalamka iyo Dowldaha Deriska ah ee Goobjooga ka ahaa Gorgortanka Heshiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanayaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan Baaqa Qowmiyadan iyo iney Dib u eegis ugu noqdaan Heshiiskan oo aan ka Turjumeynin Xuquuqda Dadka Deegaanka.






Soo saarida Go’aamadaasi, waxa la sheegay in labada Masuul ee ugu sareeya dawlada federaalka ahi isdhaafsadeen qoraalo muujinaya inay isku khilaafsanyihiin Heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe uu Khilaaf ku dhex Abuurey Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.




Waxaana la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Guddoomiye Jawaari ka codsaday inaanu Baydhabo qaban ka hor intaanu weftiga ku tegin, taasoo bedelkeeda  la sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanku ka diidey.




Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa Warar aan la xaqiijin oo Madaxtooyada somaliya laga helay ay sheegayaan inuu Warqad u direy Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,  taasoo uu ugu bandhigay sida ay uga soo horjeedaan Heshiiskii Magaaladda Adis-Abab ee Dhex marey Dowladda Federalkaa iyo Maamulka Axmed Madoobe.




Prof Jawaari ayaa la sheegay inuu Warqadiisa ku sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid u gaar ah dad  kooban, una hogaansamayn Qododbada ku jira, balse bedelkiisa  ay siyaasi ahaan ay ayidayaan dareenka Odayaashooda dhaqanka.




Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha ku war geliyay in isaga iyo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle gaadheen heshiis o Nuxurkiisu ahaa in laga soo Horjeesto Heshiiskii Adis-Ababa, islamarkaana Lix Gobol loo sameeyo Maamul Goboleed la Magac baxay Koonfur Galbeed, taasoo la sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka Carooday.




ma cadda halka uu ku dambeyn doono Khilaafkan soo kala dhex galay labada Masuul, balse sida cad qaylo-dhaanta lagaga soo horjeedo Heshiiska Addis-ababa ayaan ku koobnayn Beelaha Digle iyo Mirifle, waxaana jira qaar badan oo ka mid ah Bulshooyinka Gobolada Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelooyinka oo ka soo horjeeda Heshiiskaasi.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com