Tuesday, September 24, 2013

War Degdeg:Golaha Wakiillada SL oo Ansixiyay Xeerka Waddooyinka oo Cabasho Badani Dul-hoganayso iyo Dalbadayaashii Dibad-baxa oo Nuurigooda la waayay


Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiillada somaliland ayaa Ansixiyay Xeerka Horumarinta Waddooyinka oo Muran weyni ka taagnaa Maalmahanba.




58 Mudane ayaa u codeeyay Ansixinta Xeerkaasi oo Madaxtooyadu u soo gudbisay Golaha muddo laba todobaad ah hortood, 8 Xildhibaan ayaana Diiday, halka 3 Xildhibaana ay ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayaanu ku ansaxay Xeerkaasi.




Dhinaca kale amaanka agagaarka Aqalka Baarlamanka iyo xarumaha Dawlada ayaa si weyn amaankoodda loo adkeeyay, waxaana lagu daadiyay Ciidamo tiro badan , oo loogu talo-galay inay ka hortagaan Mudaharaad salmi ah oo ay shalay Xisbiyadda Mucaaridka ah iyo Gaadiidleydu ku baaqeen.




Xeerkan ayaa jideynaya lacago Cashuur ah oo ka baxsan Nidaamka Maaliyadeed ee Dawliga ah, taasoo lagu soo rogay Xoolaha Nool ee Dibadda loo dhoofiyo iyo Gaadiidka kala duwan, taasoo ay qaadayso Hay’adda horumarinta Waddooyinka oo dhawaan la hoos geeyay Wasaaradda madaxtooyada.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dhinacyada ka soo horjeeday meel-marinta cashuuraha Xeerkani fasaxayo oo dadka ka cabanayaa ku andacoonayaan inaanay bixin karin, isla markaana loo baahantahay waddooyin in dalka loo sameeyo, balse ay dhiig miirasho u arkaan Cashuurta la saaray dadka Xoogsada ah iyo Ganacsatada Xoolaha dhoofisa .




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com