Friday, September 27, 2013

Interpol oo soo saaray warqad lagu soo xidhayo haweenay ka nixisay Kenya


(GNA) Booliska aduunka ee Interpol ayaa soo saaray warqad lagu soo xidhayo haweenay u dhaltay dalka bariten oo lagu magacaabo Samantha Lewthwaite, kadib markii dowladda dalka kenya ay codsay in haweenaydan loo soo gacan galiyo.




bayaan la soo saaray ayaa waxaa ay lagu sheegay in haweenaydan oo 29 sano jir ah , ay kenyaanku  u doonayo in loo soo gacan galiyo kadib markii la sheegay in haysatay hub iyo waxyabo kale oo qarxa ayna damacsaneed in ay weeraro ka geestao dalka kenya bishii December 2011kii




booliska Aduunka ayaa ka dalbaday wadamada xubnaha ka ah Interbol in ay soo qabtaan hadii ay arkaan haweenaydaas oo ay kenya ay doonayso in loo soo gacan galiyo.




warar la isla dhaxmarayay Mudooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in Samantha Lewthwaite ay ka mid ahayd dablaydii weerartay xaruunta westgate ee Nairobi, inkasto madaxweynaha dalka Uhuru kenaytta uu ku sheegay wararkaasi kuwo aan la huhin




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com