Thursday, September 26, 2013

Jeeni-yare: Annigu Madaxweynaha Gobol kale umaan Raacin ee waxaan joogay Hargeysa”.


Hargeysa(GNA)-Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Maxamuud Jiiniyare, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay siyaasiyiinta isku magacaabay Madasha wadatashiga oo ku eedeeyay in uu madaxweynaha u racay socdaalkii uu toddobadkii hore ku tagay Gobollada Togdheer, Saaxil, Oodweyne iyo Hawd.




Maxamed maxamuud Jeeni-yare oo Maanta warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin eedaynta siyaasiyiinta madasha, isagoo tilmaamay in madaxweynaha ay soo dhaweeyeen badhasaabadii gobolladii uu socdaalka ku tagay.




Maxamed Jiiniyare oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa yidhi “Anigu badhasaab waxaan ka ahay gobolka Maroodi-jeex, madaxweynuhu sharciyan marka uu gobolkayga ka baxo badhsaab kale ayaa u diyaar ah waajib ku tahay in uu horgalo”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “markaa waxaan leeyahay odayaashaa wax badan ayaa ka khaldan waxaan leeyahay niman waayeel ah ayaad tihiin, idina ha is dhibina shacbigana ha dhibina dalkana ha dhibina qaranimadeenu meel sare ayay maraysaa nin Nin  neceb iyo nin si yar oo gaaban wax ugu muuqdaan dalkeena inoo hagaagi maayo”.




Guddoomiye Jeeni-yare, ugu dambeyn ku  taliyay “waxaan leeyahay arrimaha qaarkood ha laga xishoodo goor walba saxaafadda ka hadlaya oo wax walba ku hadlaya ee masuuliyiinta kala reeban ka been abuuraya.”.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com