Wednesday, September 25, 2013

Weerarka Westgate waxa uu Digniin Cad u yahay Waddamada Khatarta ugu jira Dagaalka Al-Shabaab oo Somaliland ku jirto”Warbixin:GNA


Hargeysa(GNA)-Fulinta Weerar la mid ah kii ay Kooxda Al-shabaab sheegatay, kuna qabsatay Sabtidii todobaadkan Xarunta GanacsigaWesgate ee Magaalada Nairobi, ayaa cashar ku cibro qaadasho mudan oo dhanka amaanka ah u noqday Wadamada Dagaalka kula jira Kooxaha Argagixisada  lagu tilmaamo ee caalamka.




Dawlada Kenya ayaa goor-sii horaysay, ayaa sheegtay inay soo af-jartay Dagaal shan Maalmood socday oo ka socday xaruntna sabtidii la weeraray, waxaanay sheegeen inay Ciidamada Kenya guul ka gaadheen ka sifeynta Mintidiintii halkaasi qabsaday oo ay maryo dhiig leh kala furteen Milateriga iyo Bilayska dalkaasi.




Sheegada Nairobi ee ah inay la wareegtay Dhismaha Westgate, Kooxdii haysatayna badhkood nolol ku qabatay, qaarna dhegta Dhiiga u dartay, ayaa ahaa dhawaaq saameyn ku yeelanayay baddi Mujtamaca Caalamka ee dhacdadan la socday oo ay hormuud ka yihiin Dalalka Afrika.




Balse muran kama joogo in wali Westgate ay tahay meel aan gacanta ugu jirin dawlada Kenya, inkasta oo ay saraakiisha dawladu diideen inay taasi xaqiijiyaan.




Dhacdadan ayaa noqotay mid Caalamku si weyn uga walaacsanyahay, isla markaana laga werwer qabo in Kooxaha Xag-jirka weeraro kale oo noocan ah ay ka fuliyaan dalalka ku xeeran Somaliya.




Wadamada Yugaandha, Tansania, Djabuuti, Ethiopia  iyo Somaliland ayaa foojignaan amaan oo dheeraad ah sameeyay tan iyo markii Mucjisada hubaysani la wareegtay Dhismaha ku yaala Badhtamaha Magaalada Nairobi ee Kenya, kuwaasoo dad gaadhaya boqol qof noloshooda galaaftay iyo intaasi saddex jibaar ka badana dhaawac ku sababay.




Dawlada Yugaandha ayaa Maalintii Axadda xidhay xuduudda ay la wadaagto Kenya, sidoo kale Djabuuti ayaa Cabsi amaan oo xoogan laga dareemay, halka Itoobiya-na Xaalad foojignaaneed halka ugu saraysa dawladu ku dhaqaaqday,




Somaliland oo ah waddanka Soohdinta iyo Suuraadaba la wadaaga somaliya ayaa sidoo kale saraakiisha amaanka dawlada sheegeen in khatar amni darted foojignaan dheeraad ah la sameeyay.




“Haa waa khasab, arintuna waa wax walba filo, markaa way jirtaa foojignaan dheeraad ah”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Sarkaal ka tirsan laamaha amaanka ee Somaliland.




Waxaanu intaasi ku daray“maya wax hawl-gal ah lama fulin, laakiinse digtooni badan ayaa dalka oo dhan jirta”ayuu yidhi.




Kooxda qaaday Weerarkan westgate, ayaa loo aqoonsaday Argagixiso Caalamiya, waxaana sheegatay inay ka mid yihiin Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Somaliya, taasoo ka sekow Dagaalka ay kula jirto Xooga Isbahaysiga Amisom iyo Miletariga dawlada Dagaalyahanadeedu ku filiqsanyihiin dhamaan Wadamada Jaarka la ah somaliya.




Sidaasi darteed qaadista Weeraro noocan oo kale ah oo ay ku fuliyaan Dalalka kale ee Afrika, siiba kuwa soohdinta la leh, dalkan ay awoodda badan ku leeyihiin, ayaa ah wax aad u fudud, taasina waa sababta cabsida amaan iyo digtoonida gelisay Wadamada kor ku xusan.




Waxaana muhiim ah inay dalalkaasi xoojiyaan, heegana geliyaan Ciidamadooda amniga, isla markaana laba jibaaraan hawlaha Hay’adaha Mukhaabaraadka, si ay uga gaashaantaan inay kooxaha Xag-jirka ahi si fudud u weeraraan meelaha Halbowlaha u ah Bulshada iyo dhaqaalaha.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com