Friday, September 27, 2013

Hargeysa: Laba Qof oo Midkood Ajaanibi yahay oo ku Dhintay Shil ka dhashay 4 Gaadhi oo isku dhacay iyo 8 Dhaawacmay:Faahfaahin


Hargeysa(GNA)-Laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, ilaa siddeed kalena ku dhaawacmeen Shil Gaadhi oo ka dhashay, isku dhex dhacay Afar gaadhi oo midkood Xoolo siday, kuwa kalena gaadiidka yar yar ahaayeen.




Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inuu mid ka mid ahi Ajanabi yahay, inkasta oo aanay wali Hay’adaha baadhistu war sugan ka soo saarin, halka kale  oo magaciisa lagu sheegay Cabdilaahi Xasan Cige uu wadde ka ahaa gaadiidka midkood.




Shilkan ayaa yimi sida Gobanimonews ay u xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka ee Galbeedka hargeysa, ka dib markii laba Gaadhi oo midkood kan xoolaha siday ahaa kuna jeeday dhanka Berbera ay isku dhaceen Baabuur Bas ah oo ka hor yimi, dabadeed hadana gaadhi weyni galay Gaadhi Land-cruiser ah oo jidka marayay iyo Gaadhi kale oo Booyad ah.




Tirada dadka shilkan ku dhaawacmay ayaa la sheegay inay ka badanyihiin tirada la hayo oo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa la soo gaadhsiiyay, sida uu Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Hawl-wadeenada Cisbitaalka Guud ee Caasimadu.




Dhinaca kale, Ciidamada nabad-gelyada waddooyinka ayaa la sheegay inay gaadheen goobta shilku dhacay, isla markaana baadhayaan sababta dhalisay, iyagoo gacanta ku dhigay dhamaan waddeyaashii Baabuurtan isku dhacday.




Shilkan ayaa ah mid noociisu ku cusubyahay Somaliland, waana markii ugu horaysay ee afar gaadhi oo meel ka baxsan magaalada maraayan sidan oo kale isugu dhacaan.




Baaxadda shilka iyo Khasaaraha ka dhashay  ayaa aad u kala fog, inkasta oo aanay tiradd dadka ku waxyeeloobay yarayn.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com