Sunday, September 29, 2013

Baadi goobka dadkii ku xanibnaa dhismihii ku burburay dalka India oo la soo gabagabeeyay


(GNA) Wararka ka imaanaya dalka India ayaa sheegaya in howlgalkii ay kooxaha gurmadka degdega ahi ku soo samatabixinayeen dadkii ku xanibnaa burburka dhismihii Jimcihii ku burburay magalaada ganacsiga India ee Mumbai ay soo gabagabeeyeen.




Saraakiisha kooxaha gurmadka degdega  ayaa sheegay in tira koob ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 60 ruux ay ku dhinteen dhismahaasi burburay.




Kooxaha ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah maydka dadkaasi ay ka soo saareen burburka dhismahaasi oo ka koobnaa afar dabaq kuna yaalay bariga magaalada Mumbai.




Saraakiisha caafimaadka dalka India ayaa iyaguna sheegay in kooxaha gurmadku ay burburka dhismahaasi ka soo saareen 33 ruux oo nool.








 




 




 




 




 




Sarkaalka ugu sareeya ciidamada waaxda ka jawaabida masiibooyinka dalka India Alok Awasthi ayaa sheegay in dhamaan dadkii ku hoos jiray dhismaha burburay tira koobkoodii la soo gabagabeeyay isla markaasina hawlgalkii baadi goobkada la soo afjaray.




Dhismahaasi ayaa guryo deegaan ah u ahaa in ka badan 20 qays oo shaqaale u ahaa waaxda iskaashiga dowladda hoose ee Mumabi.




Intii u dhaxaysay bilooyinkii April iyo June ee sanadkan ayaa in ka badan 100 ruux waxay ku dhimatay ilaa iyo shan dhisme oo ku burburay magaalada ganacsiga dalka India ee Mumbai halkaasi oo la sheegay in qaabka dhismaha guryaha uu aad u liito.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com