Hargeysa(GNA)- Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre, ayaa Qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in aan gabi ahaan-ba wadanka laga dhoofin Karin duur-joogta.
Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Miyiga, ayaa qoraalkeeda u kala dirtay Isuduweyaasha wasaaradaasi ee goboladda dalka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, sida ay Warbaahinta u sheegtay.
“Dhammaan Isu-duwayaasha warqadani ku socoto waxa lagu wargelinayaa in Duur-joogta sida sharci darrada ah ee looga dhoofiyo dalka in tallaabo adag laga qaado sidii laysku hortaagi lahaa dhoofinta Duur-joogta,”ayay Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre ku bayaamisay qoraalkeeda.
Wasiir Shugri Bandarre waxay tilmaantay goboladda ugu badan ee duur-joogta dalka laga dhoofiyo ama la soo geliyo magaalooyinka, waxaanay tidhi “Isduwayaasha gobollada Awdal, Selel, Maroodijeex, Saaxil, Tog-dheer waxa lala socodsiinayaa in meelaha ugu badan ee ay Duur-joogtu ka dhoofto ama dalka laga soo galiyo ay tahay gobolladiina sida ugaadha, Diinka, Masa-cagalayda iyo Caasha Badhida IWM, ciddii lagu qabto la horgaynayo sharciga.”
“Waxa kale oo la idinku wargelinayaa in tiro-koob lagu sameeyo dhammaan wixii Duur-joog lagu haysto magaalooyinka gudahooda sida guryaha Hudheelada iwm, wax dambena aan lagu soo kordhin Karin,”ayay intaas ku dartay Wasiirka Deegaanku.
Wasiirku waxay dalab u jeedisay Taliyaha Ciidanka Booliska. “Taliyaha Ciidanka Booliska waxaanu ka codsanaynaa inuu nagala hawl galo gaar ahaan gobollada iyo degmooyinka.”
Go’aanka wasiirka ayaa ku soo beegmay xili aan xisaab iyo xog dhab ah laga haysan arintan, isla markaana aanay bulshadu dareen noocaas ah ka qabin in sharci daro lagu dhoofiyo Xawayaanka Duur-joogta ah oo ka mid ah qaniimadda Nool ee Ilaahay waddanka ku beeray.
Dadka ka faalooda arrimaha Deegaanka iyo duur-joogta ayaa aaminsan in Xawayaan badani ka dabar-go’ay waddanka, isla markaana talaabo iminka la qaadaa daba qabateyn kooban u noqonayso ilaalinta Xawayaanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com