Saturday, September 28, 2013

Nabad-sugida Somaliya oo Madaarka Muqdisho ku qabtay 12 Nin oo Dibadaha uga yimi inay Kooxda Al-shabaab ku Biiraan, kuwo kalena raadinaya


Muqdisho(GNA)-Ciidamada Nabadda Sugida ee Somaliya ayaa la sheegay inay shalay Madaarka Magaalada Muqdisho ku qabteen ilaa 12 Dhalinyaro ah oo ka yimi Debedaha oo doonayay inay ku biiraan Xarakadda Al-shabaab.



Sida ay Gobanimonews ku heshay xogo hoose dhalinyaradan oo isugu jira Somali, Carab iyo ajaanib kale, ayaa qorshoodu ahaa inay Muqdisho u sii dhaafaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay doonayeen sida la sheegay inay weeraro la mid ah kii westgate lagu qaaday ka fuliyaan.



Hay’addaha amaanka ee Muqdisho ayaa la tilmaamay inay warka ku saabsan Kooxdaasi ka heleen qaar ka mid ah Waalidiinta Ragaasi dhalay oo dibada ka soo hadlay, ka dib markii ay waayeen xubno ka mid ah Wiilashan dibada ka yimi ee Al-shabaab ku biiri rabay.



Ma cadda ilaa hada meesha lagu xidhay, in sii daayay iyo waxa laga yeelayo kooxdaasi oo wararka qaar sheegayaan inay tiradoodu intaasii badnayd markii ay dibada ka yimaadeen, wax war ahina kama soo bixin laamaha amaanka somaliya, balse warku wuxuu intaasi ku darayaa in la raadinayo kuwo kale oo ka mid ahaa ragaasi.



Cabsida laga qabo dagaalyahanada Ururka Alshabaab , ayaa  isa soo tarayay tan iyo markii ay weerarka fajicisada abuuray ka fuliyeen dhismaha Ganacsiyeedka Westgate ee Magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 100 qof, boqolaal kalena dhaawacyo ka soo gaadheen, ka dib markii Sabtidii todobaadkii hore ay gudaha u galeen Koox hubaysan oo ururka Al-shabaab ka tirsani.



 Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com