Monday, September 30, 2013

Hargeysa: Bilayska oo Xabsiga Dhigay Waddaad Taageeray Weerarka Westgate ee Nairobi, Al-shabaab-na amaanay!


Hargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa Caawa Xabsiga Dhigay Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle ah hoggaamiyaha Urur-diimeed la yidhaahdo Xisbullah oo sanadkii hore hargeysa lagaga dhawaaqay. Sheikh Geele ayaa laba maalmood ka hor mar uu warbaahinta ka hadlay Taageeray Weerarka dhawaan lagu qaaday Xarunta Westgate ee magaalada Nairobi, taasoo xaasaasiyad ka abuurtay Caalamka oo dhan. Cali Cumar Maxamuud oo sheegtay Afhayeenka Ururka Xisbillaah, ayaa Caawa warbaahinta u xaqiijiyay Xadhiga Sheikh Geelle, balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Hay’adaha dawlada oo la xidhiidha Kiiska lagu haysto iyo in cid kale lala qabtay. Sheikh Geele oo laba maalmood ka hor Warbaahinta ka hadlay ayaa soo dhaweeyey weerarkii dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee dhawaan ay XarakadaAl-Shabaab ku qaaday dalka Kenya. Isagoo Al-Shabaab ku ammaanay tallaabadaasi ay ka qaadeen dawladda Kenya. Sidoo kale Sheekhu waxa uu si adag uga hadlay isla markaana uu uga hor-yimi Cashuurihii dhawaan golaha Wakiiladu ansixiyeen ee lagu kordhiyey Gaadiidka iyo Xoolaha. Dhanka kalena waxa uu bulshada Somaliland ku boorriyey in Shareecada Ilaahay la qaato oo la isku xukumo. Wadaadkan Caawa la taxaabay ayaa dhawr jeer oo hore ciidamadu xidheen, waxaana inta badan lagu bartilmaameesadaa Eedeymo adag oo uu dawlada warbaahinta u marayo, isagoo inta badan amaan u jeediya Ururka Islaamiga ah ee Alshabaab.




 




 Gobanimonews Hargeysa Office Email:
 




editor@gobanimonews.com