Sunday, September 29, 2013

Xuseen M. Bisad Oo Sheegay Inuu Mayarka Berbera C/shakuur Ciddin Ku Wacad Furay Bulshadii Reer Berbera Ee Soo Doortay


London, (GNA)-Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka Labaad ee ugu dheer Aduunka kana tirsan xisbiga UCID, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay. maayarka Berbera C/shakuur Ciddin in uu ku biiraan xisbiga Kulmiye, waxaa tilmaamay inuu ku wacad furay taageerayaashii xisbiga UCID ee sida xooga iyo xaamasada lahayd xiligii doorashadii ugu soo baxay ee maalkooda iyo dhiigooda ku bixiyay suurtagalna ahayn codkoodii manta ku biiriyo xisbiga Kulmiye.





“runtii waa wax laga xumaado maayarka Berbera C/shakuur Ciddin manta ku biiro xisbiga Kulmiye, waxa uu ku wacad furay taageerayaashii xisbiga UCID ee xiligii doorashadii ugu soo baxay sida xooga iyo xaamasada lahayd ee maalkooda iyo dhiigooda ku bixiyay codkoodii aad ku fadhido manta ku biiriyo xisbiga Kulmiye oo aad laaluush ku qaadadid waa waxaaan dhacayn, ayuu yidhi xuseen Bisad, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa wata, “anigu 24 saacadood ayaan u soo jeeday oo aan wakhtigaygii u huray sidii aan u ilaalin lahaa sanaadiiqda doorashada codadkii uu ku soo bixi lahaa anigoo halkan uga tagay (London), waa nasiib darro ninkii sidii loogu hiiliyay manta loo adeegsado burbiurinta xisbiga UCID”. ayuu yidhi xuseen Bisad oo manta isagoo London jooga u waramayay Qurbojoog.com.com. Xuseen Maxamed Bisad, waxa u soo jeediyay maayarka Berbera C/shakuur Ciddin, inuu go’aankaas ka noqdo isla markaana eego danta iyo maslaxda shacbiga reer Berbera, waxaanu taageerayaasha xisbiga UCID ugu baaqay inay ka digtoonaadaan faragalin kaga timaada xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu yidhi . “C/shakuur Ciddin, waxaan u soo jeedinayaa inuu ka noqdo go’aankaas sida ka fiirsi la’aanta ah u qaatay ee uu ugu biiray Kulmiye hadii kale uu waxa uu ka helo yaanu waxba nagasiin, taageerayaasha xisbiga UCID, waxaa ugu baaqayaa isku duubnaan kana digtoonaadaan faragalin kaga timaada xisbiga talada haya Kulmiye”. Maayarka magaalada Berbera, C/shakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa ku biiristan wakhigan ee uu xisbiga Kulmiye ku biiray noqonaysa xisbigii saddexaad ee ku biiro, isagoo hore ugu tirsanaa xisbiga Wadani hadana iska sharaxay Berbera doorshadii ugu dambaysay golayaasha degaanka xisbiga UCID, ee dabayaaqadii sanadkii hore dalka ka qabsoontay. London, (GNA)-Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka Labaad ee ugu dheer Aduunka kana tirsan xisbiga UCID, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay. maayarka Berbera C/shakuur Ciddin in uu ku biiraan xisbiga Kulmiye, waxaa tilmaamay inuu ku wacad furay taageerayaashii xisbiga UCID ee sida xooga iyo xaamasada lahayd xiligii doorashadii ugu soo baxay ee maalkooda iyo dhiigooda ku bixiyay suurtagalna ahayn codkoodii manta ku biiriyo xisbiga Kulmiye, “runtii waa wax laga xumaado maayarka Berbera C/shakuur Ciddin manta ku biiro xisbiga Kulmiye, waxa uu ku wacad furay taageerayaashii xisbiga UCID ee xiligii doorashadii ugu soo baxay sida xooga iyo xaamasada lahayd ee maalkooda iyo dhiigooda ku bixiyay codkoodii aad ku fadhido manta ku biiriyo xisbiga Kulmiye oo aad laaluush ku qaadadid waa waxaaan dhacayn, ayuu yidhi xuseen Bisad, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa wata, “anigu 24 saacadood ayaan u soo jeeday oo aan wakhtigaygii u huray sidii aan u ilaalin lahaa sanaadiiqda doorashada codadkii uu ku soo bixi lahaa anigoo halkan uga tagay (London), waa nasiib darro ninkii sidii loogu hiiliyay manta loo adeegsado burbiurinta xisbiga UCID”. ayuu yidhi xuseen Bisad oo manta isagoo London jooga u waramayay Qurbojoog.com.com. Xuseen Maxamed Bisad, waxa u soo jeediyay maayarka Berbera C/shakuur Ciddin, inuu go’aankaas ka noqdo isla markaana eego danta iyo maslaxda shacbiga reer Berbera, waxaanu taageerayaasha xisbiga UCID ugu baaqay inay ka digtoonaadaan faragalin kaga timaada xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaanu yidhi . “C/shakuur Ciddin, waxaan u soo jeedinayaa inuu ka noqdo go’aankaas sida ka fiirsi la’aanta ah u qaatay ee uu ugu biiray Kulmiye hadii kale uu waxa uu ka helo yaanu waxba nagasiin, taageerayaasha xisbiga UCID, waxaa ugu baaqayaa isku duubnaan kana digtoonaadaan faragalin kaga timaada xisbiga talada haya Kulmiye”. Maayarka magaalada Berbera, C/shakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), ayaa ku biiristan wakhigan ee uu xisbiga Kulmiye ku biiray noqonaysa xisbigii saddexaad ee ku biiro, isagoo hore ugu tirsanaa xisbiga Wadani hadana iska sharaxay Berbera doorshadii ugu dambaysay golayaasha degaanka xisbiga UCID, ee dabayaaqadii sanadkii hore dalka ka qabsoontay.