Friday, September 27, 2013

Somaliland Oo Taariikhdeeda Markii Ugu Horeysay Maraykan Kaga Qayb Gashay Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayo Waxbarashadda


New York (GNA) - Xukuumadda Somaliland ayaa kulan caalami ah kaga qayb gashay dalka Maraykanka.




Shirkan oo lagaga hadlayay Waxbarashadda ayaa waxa Somaliland ku soo marti qaaday ergayga qaramadda Midoobay u qaabilsan Waxbarashadda.




Somaliland ayaa waxa shirkaasi ku matalayay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye Iyo Cali Salaan Jirde oo ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Waxbarashada




Hadaba qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan




 




waxa uu shirku ku saabsanaa waxbarashada waxa ay Somaliland ka mid ahayd lix dal oo uu Gordon Brown oo hadda ah




 




ergayga gaarka ah ee xogahaya guud ee QM u qaabilsan waxbarashadu ku casuumay wasiirka tacliinta Somaliland, halkaas oo aanu u gudbinay laba




 




dhocument oo kala ah Somaliland five years Education Sector strategic Plan (ESSP) iyo Somaliland country paper, halka dawlada Soomaaliya aanay waxba la iman shirka isla markaana dawlada maraykanku u diiday wasiirka Horumarinta bulshada ee Xamar fiisaha dal ku galka, iyadoo badalkeedii uu yimid nin la yidhi waa wasiirka maaliyada oo aan wax uu sheego garanayn, taasoo Soomaaliland siisay fursad qaali ah oo ay ku gudbiso rabitaankeeda iyo baahiyaheeda si fudud una furtay dhagaha dadkii shirka joogay oo u badnaa dawladaha qaadhaanka bixiya, baanka adduunka, hay?adaha qaramada midoobay. waxa shirka soo qabana qaabiyey Gordon Brown




waxa ka soo qayb galay wasiirada Denmark iyo Norway u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, madaxa hay?ada Global Parnership for Education (GPE) Ms. Alice Albright, Madaxa Qadar foundation Sheekha Musa, boqorada Jordan Queen Rania, iyo marti sharaf kale oo ah dadka daneeya waxbarashada caruurta adduunka iyadoo Somaliland ay ka mid tahay dalalka bilaash ka dhigay waxbarashada asaasiga ah,