Friday, September 27, 2013

somalia: Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Xarunta Qaramada Midoobey.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad taarikhi ah ka jeediyay Xarunta Qaramada Midoobay ee ka socda shirka sanadlaha ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, taasoo ah markii u horeysay ee Madaxweynaha khudbad ka jeediyo tan iyo markii sanadkii hore loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya.




Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay arrimaha horyaala dowladdiisa, gaar ahaan Amniga Soomaaliya, Muhiimada ay leedahay in la taageero hey'adaha dowliga iyo arrimaha Ammaanka.




"Al-Shabaab waa la dagaalanay waana ka guleysanay, inta hartayna waxaan kula dagaalami doonaa baadiyaha, tuulooyinka iyo meel kasta ay oo ay ku harsan yihiin"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.




Madaxweynaha ayaa sheegay inay ugu guuleysteen Shabaab dagaalkii fool ka foolka ahaa, isagoo xusay in haatana ay ka guuleysan doonaan waxa uu ugu yeeray fikradahooda sunta ah, iyagoo isticmaalaya Technologiyada casriga ah iyo wax barashada.




Waxaa uu soo hadal qaaday Horumarka iyo heshiiska Hiigsiga cusub ee New Deal ee lagu saxiixay magaalada Brussels bartamaha bisha September, isagoo ku booriyay beesha caalamka in ay u istaagan is bedel dhab ah.




"Si uu shaqeeyo New Dealka waa in aysan noqon hadal ee waa inuu noqdaa mid mira dhal. Shacabkeena wax badan ayey naga filayaan waa in aan ka soo baxnaa in arimaha bulshana ay dowladda gaarsiiso dalka oo dhan si shacabku ay u dareemaan kalsooni"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.




"Soomaaliya waxey gadaal iska dhigtay 22sano oo dagaal sokeeye ah, Horumar badan ayaa la gaaray xagga maamulka maaliyadda, xiriirka goboladda iyo in sal adag loo taago hey adaha dowliga ah, waxaana la hiigsanayaa in 2016 doorasho xor ah ay ka dhacdo dhamaan Soomaaliya oo dhan"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.




Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa maanta oo Jimco ah soo gaba gabeyn doona safarkiisa shaqo ee uu ku joogo dalka Mareykanka, isagoo ka dhoofi doona magaalada New York.




 




 




Gobanimo News Aency




muqdisho office




Editor@gobanimonews.com