Tuesday, September 24, 2013

SL:Xisbiyada iyo Gaadiidleyda oo Berri u balansan Dibad-bax ka dhan ah Ansixinta Xeerka wadooyinka oo cod loo qaadayo iyo Xukuumadda oo Digniin ku Seexisay


Xukuumadda lacag adag ku bixisay ansixinta Xeerka iyo mudaneyaasha iskaga hor-iman doona oo isleeg ku dhadhow!




Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Caawa ku gacan saydhay, codsi Mudaharaad lagaga soo horjeedo Ansixinta Xeerka Takaalifaat-ka Waddooyinka Somaliland oo ay Bulshada rayidka ah, Ganacsatada iyo Asxaabta Mucaaridku ka soo horjeedaan Cashuuro gaar ah oo ay Wasaaradda madaxtooyadu ku soo rogtay Gaadiidka iyo Xoolaha Nool ee dibada loo Dhoofiyo.




Go’aanka Wasiir Cali Waran-cadde ku madnuucay qabashada Mudaharaadka, ayaa ka dambeeyay shir lagu kala kacay oo ay Xisbiyada iyo wasaaradda arrimaha guduhu gelinkii dambe ee Maanta ku yeesheen Hudheelka Ambasador, kaasoo saacado ka dambeeyay markii labada Xisbi ee Waddani iyo Ucid qoraal wada jir ah oo ay dibad-bax ku dalbanayaan u gudbiyeen Wasaaradda, sida uu Gobamimonews u sheegay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Maxamed Xasan Dirir.




Cali Waran-cadde ayaa soo saaray  qoraal oo uu arintaasi ku hor istaagayo, waxaana dhinaca kale la sheegay in dhamaan Ciidamada Bilayska Heegan la geliyay, lana xidhayo dhamaan meelaha Mudaharaadyada laga sameyn karo, sida Beerta Xoriyada iyo Garoomadda waaweyn ee Magaalada Hargeysa oo ah xudunta Mudaharaadkaasi.




Qoraalka Wasiirka ayaa u dhigna sidan:-




 







Labada Xisbi ayaa iyaguna gudbiyay qoraalkan:-




Dalabka iyo Go’aanka Diidmada ah ee ay Xisbiyada iyo Xukuumadda Somaliland isdhaafsadeen saacadihii la soo dhaafay, ayaa ku soo aadaya xili Maalinta Berri oo ah Salaasa, Golaha Wakiiladda Somaliland u balansanyihiin go’aan ka gaadhista Xeerka Waddooyinka ee ay Wasaaradda Madaxtooyadu soo gudbisay laba todobaad ka hor, kaasoo dood kulul oo Mudaneyaasha aqalka wakiilladu ka yeesheen afar maalmood, shalay la soo gunaanaday.




Ka sekow Asxaabta mucaaridka ah, Gaadiidleyda Somaliland iyo Ganacsatada Xoolaha dhoofisa ayaa si weyn u diidan in la ansixiyo Xeerkaasi, waxaanay dhawrkii maalmood ee u dambeeyay iyaga laftoodu ku hawlanaayeen dhaqdhaqaaqyo ay culays ku saarayaan inaan Goluhu ansixin, iyagoo laba maalmood ka hor cabasho qoraal ah iyo digniin wada socota gaadhsiiya Shir-guddoonka Wakiiladda.




Xubno ka mid ah Guddi farsamo oo ay Gaadiidleydu ka hor-taga xeerkan u sameysteen, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay 48-kii saacadood ee la soo dhaafay Shirar u socdeen iskaashatooyinka Baabuurleyda Somaliland, isla markaana maalinta Berri ay ka go’antahay isu soo bax balaadhan oo ay ku waajahayaan fadhiga Golaha wakiiladda, kaasoo ay si nabad-gelyo ku dheehantahay uga hor-dhigi doonaan Kaamboolka Aqalka Baarlamanka.




Guddida Iskaashatooyinka Somaliland ayaa sabtidii Doraad Gobanimonews, u sheegay inay shaqo joojin Mudaharaad wada socda kaga fal-celin doonaan hadii Baarlamanku sharciyeeyo Cashuurta lagu soo rogay ee Xeerka Waddooyinka, waxaanay intaasi ku dareen inaanay qaadin Karin, isla markaana bixin Karin Cashuur ka baadn lacagta ay iminka Wasaaradda Maaliyaddu ka qaado oo dhawr nooc u kala baxda.




Golaha Wakiillada ee Xeerkani horyaala oo tan iyo markii dooddiisu bilaabantay laga dhex wadday Tashkiilin ama Olole la doonayo in Xeerkaasi sidiisa lagu ansixiyo, ayaa ay haatan gacantooda ku soo uruurtay filashada dhinacyadan iska soo horjeeda oo caawa ku kala hoyday wacad ay isugu mareen inaanay qolona mawqifkeeda ka laabanayn (Xisbiyada iyo Gaadiidleyda oo dhinac ah  iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo).




Inkasta oo ay xubno ka mid ah Labada xisbi Gobanimo u sheegeen inay Mudaneyaasha ka soo horjeeda ee dhinaca Mucaaridku ka badan yihiin ama isku dhadhowyihiin xildhibaanada Ogol, isla markaana labada dhinac ee Goluhu kala qaybsanyahay haatanba ay iska warhayaan, hadana wali waxa socda Laaluush iyo loopin aan kala joogsi lahayn oo ay Xukuumaddu doonayso inay ku meel marso Xeerkaasi.




Xisbiga Waddani ayaa haysta Mudaneyaasha ugu badan ee Mucaaridka ah, xeerkana ka soo horjeeda, halka Xubno ucid ka mid ah iyo Xildhibaano aan xisbiyada ku jirin, balse mucaarid ahi badhitaarayaan dhinaca Mucaaridka.




Sidaasoo ay arimuhu yihiin, go’aanka golaha ayaa ah mid saameyntiisa, isla markaana labada dhinac dhan walba hada ku Goodiyayaa sidii uu tiisa u meel marsan lahaa, inkasta oo dadka badankiisu dhinaca Mucaaridka si weyn ugu garsiinayo talaabooyinka ay doonayaan inay ku joojiyaan Xeerkaasi.




Taageerayaasha dawlada ee xilalka hoose haya ayaa iyaguna ku doodaya caawa  “Waxaan leenahay haddii aanu nahay shacbigii iyo maamulkii Gobolka Sanaag Xisbiyadda mucaaridka ahi ha ka noqdaan baaqooda la xidhiidha mudaharaadka xeerkan, haddii kale waxay noqonayaan kuwo ka soo horjeeda inay dalka u hirgasho jidka weyn ee isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo haddii uu hirgelo noqonaya muftaax weyn oo kaalin ka geysta horumarinta iyo adkaynta nabadgelyadda goboladda barri,”sidaasi waxa yidhi Badhasaabka Gobolka  Sanaag Axmed Muxumed Geelle Warbaahinta dawlada taageerta la hadlay.




Waxaanu intaasi ku daray“Xildhibaanadda ka soo jeeda Goboladda barri ee dalka gaar ahaan kuwa gobolka Sanaag waxaan leeyahay u codeeya xeerka waddooyinka oo fursad siinaya in la hirgeliyo jidka dhererkiisu yahay 370km ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo,”ayuu intaas ku ladhay Badhasaabka Sanaag.




Si kastaba ha ahaatee inkasta oo ay xaaladu hada u muuqato mid aan la soo dhaweysan Karin, xalna aan loo arkayn Mudaharaad Bulshada iyo Ciidamada dawlada iska horkeena, taasna baajinteedu ku xidhantahay tanaasul ka yimaada dhinacyada yooyootamaya,siiba dhanka xukuumadda, hadana marka laga shidaal qaato go’aamada lagu kala hoyday, maalinta Berri ayaa mid si weyn looga cabsi qabo isku dhac iyo Xaalad aan tilmaan laga bixin Karin.




Taasoo hadii ay timaado Dabka ku sii qaban karta Xiisado siyaasadeed oo muddooyinkan dambeba ka dhex aloosnaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golleyaasha Mucaaridka ku ah oo ay ka mid tahay Daladda la baxday Madasha-wada tashiga iyo toosinta qaranka.




 




la soco wixii soo kordha..