Thursday, September 26, 2013

Ilaa 24-ruux oo ku dhintay banaan baxyo rabshado wata oo ka socda magaalada Khartoum ee dalka Sudan.


Banaan baxyo rabshado wata ayaa ka socda magaalada Khartoum iyo gobolada Sudan, kadib markii dowladda Sudan ay dhowaan joojisay lacagihii ay ku kabi jirtay shidaalka, taasoo keentay sicir barar.

Isku dhacyo dhex maray Booliska iyo dadweynaha ayaa waxaa ku dhintay ilaa 24-ruux, kadib markii Booliska ay isticmaaleen rasaas nool nool, Isbitaalada ayaa la dhigay dhaawacyada ilaa sideetameeyo ruux.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay joojiyeen lacagihii ay ku kabi jireen shidaalka, maadaama Sudan ay labo u kala go'day, isla markaana dhaqaale la'aan soo wajahay.

Wariye C/qaadir Maxamed C/qaadir Carab oo ku sugan magaalada Khartoum ayaa sheegay in banaan baxyada uu ku dhaawacmay Arday Soomaali ah oo ka mid ah kumanaanka Arday ee wax ka barta Sudan.
Banaan baxyada ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen goobaha waxbarahada sida Jaamacadaha iyo Iskuulada oo la xiray, iyadoo kumanaanka Arday ee Soomaalida uu saameyn xoog leh uu ku yeeshay.

Saameynta dhaqaale ee soo wajahay Ardayda Soomaaliyed ayaa waxaa ka mid ah in qiimihii lagu sarifi jiray doolarka ee lacagta Sudan uu labo jibaar uu sare u kacay, isla markaana Ardayda ay u baahan yihiin qiimo ka badan lacagihii loo soo diri jiray.

Sudan oo ahaa dal ballaaran ayaa labo u kala go'ay, markii Koofurta Sudan ay labo sano ka hor ku dhawaaqday inay noqotay dal ka madax banaan Sudan inteeda kale, taas ayaa loo sababeynaa dhaqaalaha Sudan oo hoos u sii liicaya.