Wednesday, September 25, 2013

Xasan Sheikh oo Sucuudiga ka Dalbaday inay Dib u furaan Safaaradoodii Somaliya, Shirka Qarammada Midoobay-na Khudbad ka jeeninaya


New-york(GNA)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykanka, ayaa Magaalada new York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga H.H. Saud Bin Faisal, kaasoo ay kaga wada hadleen Arrimaha Nabadgelyada, Dhaqaalaha, iskaashiga iyo xiriirka labada wadan ee soo jireenka ah.




Madaxweyne Xasan Shiikh oo u jooga magaalada New York Shirka Sanadlaha ah  Qaramada Midoobay oo maanta furmay halkaasi, ayaa Wasiirka Khaarajiga ee sucuudiga ka dalbaday inay dawladiisu Safaaradeedii Somaliya dib u furto, wuxuuna u sheegay in ku dhowaad 30 Safaaradood ay Soomaaliya ka shaqeeyaan hada, Dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay sidii ay u meel marin lahayd dib u soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya.




Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa kulan kale la qaatay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas Greenfield, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya guud ahaan iyo dhanka amniga.




Marwo Linda Thomas ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka go'an tahay sidii dawlada soamliya uga caawin lahayd inay horay horumar ku talaabsato “Dowladda Maraykanku way  garab taagan tahay Soomaaliya mar walba” ayey tiri Linda Thomas.




 Sida lagu sheegay Qoraal laga soo saaray Safarka Madaxweynaha oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shirka Sanadlaha Qaramada Midoobay maalinta Khamiista.




Waxaanu dhinaca kale  kulamo  gaar ah la yeelan doonaa madax kala duwan maalmaha soo aadan, kuwaasoo uu kala hadli doono arrimo ku saabsan  qaabka lagu taageerayo dib u habeynta heyadaha amniga iyo soo celinta nabadda Somaliya.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com