Tuesday, September 24, 2013

Asbaabta Sababta Bidaarta Iyo Dawada Lagula Tacaalo.


(GNA) Caadi ahaan qofka weyn waxaa madaxiisa ku yaalla ilaa iyo 100,000 oo tin dadka badankiisana waxaa ka dhaca inta u dhaxeysa 40 ilaa iyo 120 timood maalin walba. Arintani waa qeyb ka mid ah caafimaadka caadiga ah ee daadashada iyo dib u soo bixidaba. Balse haddii saqaftu ama gadhfeedu  ay in ka badan intaa soo goyneyso, amaba aad dareemeysid in foodaadii ay dib u noqoneyso waxaa ay u badan tahay in aad markaa qabtid bidaarta la iska dhaxlo waxaana loo yaqaanaa androgenetic alopecia




Waxaa kaloo sababi kara arin caafimaad daro la xidhiidha, saameyn dawo aad qaadatay, nafaqo darro, timaha oo aadan si fiican u daryeelin iyo weliba wel-wel iyo walaac ku haya.




 




Bidaartu waa arrin dabiici ah. In ku dhow 50% raga iyo dumarka ayaa in badan oo timahooda ka mid ah ay daataan  marka ay gaadhaan da’da 40  jir. Arintani waa ay sii xumaataa marka da’du ay sii weynaato gaar ahaan dumarka marka ay dhalmo daayaan.




 Caadiyan dadka bidaarta le, waa ay caafimaad qabaan. Bidaartu waxay saamayn ku yeelataa quruxda iyo muuqaalka qofka waxayna dhaawici kara isku kalsoonaanta.




Timaha sida degdegga ah u daata




 




Timaha sida deg-degga ah u daata mudo hal sannadood ah gudohood ah waa in baadhitaan lagu sameeyaa gaar ahaan markay jiraan calaamado kale oo ay ka mid yihiin miisaanka oo luma, daal, shuban ama xumad. Timaha oo si goobo-goobo ah u daata, amaba cun-cunka wata, iyaguna waxay u baahan yihiin in dhakhtar ku arko si laguu siiyo dawada ku haboon.




Dawenynta Laba nooc oo dawo ah ayaa lagu daweeyaa bidaarta ku dhacda raga. Mid ka mid ahna waxaa loo adeegsan karaa bidaarta ku dhacda dumarka. Waqtigan waxaa adeegayaga laga heli karaa Propecia (or finasteride) oo ah dawada kaliya ee UK ka haysata ruqsad ah in lagu daaweeyo bidaarta raga. Waxaa la qaataa hal kiniin maalintii. Saamaynteeda badanaa waxaa la arkaa sadex bilood kadib waxaana loo baahan yahay in waqti dheer la wado.




Propecia 1mg  (Finasteride) In ku filan 1 bil  Propecia 1mg (Finasteride) In ku filan 2 bilood              Propecia 1mg (Finasteride)                 In ku filan 3 bilood           Propecia 1mg (Finasteride)          In ku filan 6 bilood          




 Propecia waxaa la qaataa hal kiniin maalintiiba waxaana loogu tala galay bidaarta raga haddii ay noqon lahayd mida fooda hore kabilaabata  iyo mida qadaadka  dhalada dhexe.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com