Wednesday, September 25, 2013

Angela Merkel oo markii 3aad noqotay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka kadib markii ay ku guuleestay Doorashadii shalay ka dhacday Dalkasi Jarmalka.


(GNA) Haweeneyda lagu magacaabo Angela Merkel ayaa markii 3aad noqotay Ra’iisul Wasaaraha dalka Germany kadib markii ay shalay ku guuleeysatay doorashadii ka dhacday dalkaasi Germany.
Doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay Xisbiyada kala ahaa Xisbigii ay guushu raacday ee CDU, Xisbigii laga guuleystay ee SPD Iyo Xisbiyada kala ah FDP,CSU,GRÜNE,Lenke oo markii hore dhamaantood quudareynayay Xilka Madaxtininmada dalkaasi Germany.




Angela Merkel Xisbigeeda CDU ayaa waxay guushu ku raacday 42% halka Xisbigii SPD oo ahaa midka loolankii ugu dambeeyay kusoo hadhay uu helay 25%




Merkel ayaa xisbigeeda ku booriyay in ay u dabaal dagaan guushii ay ka soo hoyiyeen doorashadii shalay dhacday.




Laakiin waxaa sida lasheegayo khatar ku jirta Dowlad is baheeysi ah oo ay soo dhisto Mrs Merkel kadib markii qaar ka mid ah xisbiyadu aaney  helin codadkii ay ku soo gali lahaayeen Baarlamanka.




Merkel ayaa waxaa khasab ku noqonaysa in ay dowlad wadaag ah la sameeyso xisbiga Social Democrats oo helay codad dhan 26%.




Xisbigii Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Germany FDP wax cod ah kama helin Boorashada wuxuuna lumiyay dhamaan Xildhibaanadii Barlamaanka ugu Jiray.




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com