Sunday, September 29, 2013

Dhalinyarada Da,doodu Udhaxayso 16 ilaa 25 jir Ee Sida Joogtada ah Udaawada TV-yada Oo La Ogaaday In Aynoqdaan Kuwa Ka Raaga Guurka.


(GNA) Daraasad cusub oo dhawaan ay sameeyeen culimo Jarmalka kasoo jeeda ayaa lagu qeexay in uu Telefishinku u keeno dhalinyarada ku milanta ee sida joogtada ah u daawata filimaanta iyo barnaamijyada kale.




Daraasadan ayaa daboolka ka qaaday in wiilasha iyo Hablaha da’da yar ee badsada ama si aan kala joogsi laheyn u daawada TV-ga in ay ugu danbeyn noqdaan kuwa ka raaga guurka, amaba aan xiiseyn sameysashada nolol qoys iyo mustaqbal.




Waxaana lagu sababeeyay arrintan dhalinyarada oo si weyn u qabatimada TV-ga una arka in uu yahay wax aaney ka maarmi karin, hadii ay guursadaana laga yaabo in ay fursad waafi ah u waayaan daawashada TV-ga maadaama qof cusub ay nolosha la wadaagayaan lagana yaabo in uu qofkaasi aanu jecleyn in laga mashquulo.




Sidoo kale arrinta muhiimka ah ayaa lagu tilmaamay in dhalinyarta TV-ga qabatintay aaney maskaxdoodu si qota dheer u fikirin, oo kaliya ay ka fikiraan nolol maalmeedkooda iyo jadwalka barnaamijyada Telefishinka uu siideyndoono .




Cod bixin dhalinyaro 5000 ka badan ayaa 60% noqdeen ragga kuwa ka raaga  guurka sababo ah TV-ga, oo uu ka dhigtay  saaxiib kiisa 1aad TV, halka ragga qaar guurka uu uga dib dhaco arrimo dhaqaale iyo sababo iyaga u gaar.




Dadka xiiseeya TV-ga ayaa noqday kuwo aan u arkin guurka wax muhiim ah, warbixinta ayaa sheegtay in ay adagtahay fursada uu ninka ragga ah ku baran karo ama uu kula haasawikaro  gabadh mar hadii uu waqtigiisa badan ku qaatay qolkiisa dhexdiisa, sidoo kalena hablaha ayaa iyaguna arintaan kala siman wiilasha.




warbixintu waxa ay intaa ku dartay in hadii ay yeeshaan dadka sifahaale guri ama reer ay noqdaan dad aan la qabsan noloshan taa oo ay micne uga dhegeen. qofkan waxa uu ku soo barbaaray in kalidii uu daawado tv-ga markaa waxa uu noqonayaa qof ay noloshiisan cusub la qabsan kari waayo taas oo ay sababto in uu ka burburo  reerkii.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com