Thursday, September 26, 2013

Berbera: Maayirkii UCID ee Doorashadiisu galaaftay Ramaax oo Laydha Kulmiye qaadatay iyo Xukuumadda oo Xaflad ku soo dhaweynaysa


Hargeysa(GNA)-Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidi)  iyo xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka  ee degmadaasi, ayaa ku biiray xisbiga Kulmiye ee xuguumiga ah.




Dhaqdhaqaaqa Munaasibadda labadan Xildhibaan lagu soo dhaweynayo, ayaa laga dareemayaa Magaalada Hargeysa.




Boodhadh lagu Daabacay Sawirrada, Magacyada iyo waliba xafladda soo dhaweynta labada  mudane ayaa Maanta laga dabaacayay Madbacaddaha Boodhadhka waaweyn daabaca ee Magaalada Hargeysa.




Dhinaca kale xubno ka mid ah Xisbiga Kulmiye ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Xisbul Xaakimku labada xildhibaan iyo Taageerayaashooda ku soo dhaweynayo xaflad balaadhan oo lagu qabanayo Hargeysa.




Maayir Cabdishakuur Maxamuud Cidi ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii Golaha Deegaanka uga soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxaanu ahaa xildhibaan Taageero badan ka haystay Gobolka, gaar ahaan degmada Berbera ee uu ka soo baxay.




Ma Cadda sababta ku kaliftay inuu ka digo rogto xisbigii uu kaga soo baxay Doorashada Golayaasha Deegaanka, balse wuxuu noqonayaa Maayirkii ugu horeeyay ee asxaabta mucaaridka ah ka tirsan eek u biira Xisbiga Kulmiye.




Xisbiga Ucid , ayaa Doorashadii  Deegaanka berbera ka ka helay xildhibaano tiro badan oo aqlabiyadda Golaha noqday, waxaanay ahayd sababta ay u heleen Guddoomiyaha  Golaha deegaanka oo xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye Loolan adag u galeen sidii ay uga faro-maroojin lahaayeen, balse akhirkii lagaga guulaystay.




Maayirnimada lagaga guulaystay Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda oo xiligaasi watay Maayirkii hore Cabdille Maxamed Carrab ( Sandheere), ayaa  wakhtigaasi galaafatay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleban (Ramaax), oo fadhigii doorashada Guddoomiyaha oo ay xukuumaddu diidanayd furay.




Si kasbata ha ahaatee talaabadan Kulmiye Maayirka Berbera ku soo jiitay, ayaa muujinaysa inaanay sidii xiligaasi uga hadhin in Maayirka magaalo-xeebeedaasi ka mid noqdo Xisbiyada Mucaaridka ah, iyadoo ay xusid mudantahay in Cabdalle sandheere oo UDUB ahaa markii kulmiye talada qabtay uu ku biiray.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com