Tuesday, September 24, 2013

Tahriibeyaal 4 sano ka hor Baddu Liqday oo Xabsiyo Talyaaniga ah lagu Sheegay iyo Qoysas Reer Somaliland oo lacag Madax-furasho ah ka bixiyay Dad kaga jirtay!


47 ka mid ah Tahriibeyaashaasi oo u dhashay Somaliland ayaa qaar ka mid ah qoysaskoodu bixiyeen Madax-furasho lacageed oo lagu xidhay sii deynta dadka ka maqan iyo Wer-werka haysta!



Hargeysa(GNA)-in ka badan Saddex Boqol oo Tahriibeyaal Somali iyo Afrikaan kale isugu jira oo sanadkii 2009-kii la waayay Nolol iyo geeri meel ay jaan iy cidhib dhigeen, maalmo yar ka dib markii ay afar Doonyood oo ah kuwa loogu tahriibo dalka Talyaaniga kala Shiraaqdeen Xeebaha Waddanka Liibiya,ayaa qaar ka mid ah la helay  tibaaxo sheegaya in qafaalasho loogu haysto Xabsiyo ku yaala Talyaaniga oo la qariyay magacyadooda, balse xidhiidh lala soo sameeyay qoysaskoodii oo ka quustay loogu sheegay in halkaasi lagu hayo, lacago madax-furasho ahna loo haysto.



Tahriibayaashan Sanado ka hor laga quustay Raqdooda iyo Ruuxdoodaba, waxa ku jiray 47 Dhalinyaro ah  u dhashay Somaliland, kuwaasoo Doon qudha wada Kiraystay iyo 104 Qof u dhashay Koonfurta somaliya oo laba Doonyood kala raacay, halka 180 qof oo kale  oo ka mid ahaa tahriibayaashaasi  la sheegay inay ka soo kala jeedeen Waddamo ay ka mid yihiin Itoobiya, Eriteria iyo Suudaan.



Ilaa Lix qoys oo ka mid Dadka ay ka maqanyihiin Dhalinyarada reer Somaliland ee Tahriibayaashaasi ku jiray, ayaa lagu soo war-geliyay  muddo laba bilood ah ka hor, in Nolol lagu hayo, Ubadkoodii, isla markaana sii deyntooda lagu xidhay Shuruud lacageed oo aad u badan.



Tan iyo bilowgii korodhka Tahriibta dadka Somalida ah oo ay ku jiraan Boqolaal kun oo Somaliland ka hayaamay, waxa isa soo tarayay dhibaatooyinka ay kala kulmaan Jidka Dheer ee ay u sii maraan Dalalka yoolka Safarkoodu ku wajahanyahay, waxaana dhibaatooyinkaasi ka mid ah Dil, Xadhig, Qafaalasho Ganacsi noqotay oo Madax-furasho lacageed lagaga qaato Eheladdooda, Kufsi,  iyo Kadeed kale oo loogu geysto Soohdinta Dalalka  Itoobiya, suudaan iyo Liibiya, laakiinse hore umay dhicin in dadkaasi af-duub isfuro ah loogu geysto dalalka ka talowsan Bad-weynta Talyaaniga ee ay ka galaan qaarada yurub.



Sheekadda ah in nolol lagu hayo Boqolaalka qof ee ay ku jiraan kuwa  reer Somaliland iyo Somaliya, ayaa soo shaacbaxday bilihii la soo dhaafay ee sanadkan, waxaana jira tiro qoysas Somaliland degen oo intay warkaasi ku qanceen Kumanaan dollar oo shuruud lagaga dhigay soo deynta dadka ka maqan u shubay Shirkaddo xidhiidh la soo sameeyay oo arintan kala hadlay.



Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Dadka dhalinyaradaasi ka maqantahay ee sanado ka dib tibaaxahan ka helay, qoysaska lacagta laga shubay ayaa go’aankaasi qaatay, ka dib markii loo bandhigay astaamo badan oo ay ku rumaysteen dadkooda oo aan loo ogolaan inay  xidhiidh toos ah la sameeyan ,  balse Kooxda hawshan sheegtay fududeynteedu macluumaadka u kala gudbinayeen.



“Dadkaa waxa la waayay sanadkii 2009-kii, waxay Xeebaha liibiya ka baxeen Habeen Ramadaan ahayd oo bishii tobanaad ee sanadkaa aan ku qiyaasayo, waxay siteen Telefoon Toranyo ah oo markii warkooda ugu dambeysay ay ka soo hadleen, waxaanay yidhaahdeen waxaanu ku dhex cadilanahay Bad-weynta Hindiya meel aanu u malayno, xaaladdayaduna waa allow sahal.



“ilaa iyo Xiligaasi wax war ah lagama helin, Geeri  iyo nolol waxay ku suganyihiin, markaa maalin dhaweyd oo aan fogayn ayaa qaar ka mid ah qoysaskii dhalinyarada reer Somaliland ee Dadkaa la waayay ku jiray dad la soo hadleen, waxaanay u sheegeen in lagu haysto Xabsiyo ku yaala meelo ka mid ah dalka Talyaaniga, loona haysto lacag madax-furasho ah oo qaarba wax loogu sheegay, markaa qoysaskaa qaar ka mid ah ayaa lacagtii madax-furashada ahayd diray, walina wax jawaab ah ma hayaan, markaa sheekadu waxay u eegtahay qaab tuugo ah, laakiinse wali xaqiiqo lama hayo”, sidaasi waxa Gobanimonews ugu waramay Cabdi Maxamed Cilmi  oo dhalay Xasan Cabdi Cilmi oo ka mid ahaa Dhalinyarada  Reer Burco ee Tahriibayaashaasi ku jiray.



Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qoysas badan oo ka mid ah kuwii Ubaddkoodu ka tahriibeen madax furashadaasi shubeen, ka dib markii ay ku qanceen macluumaadka loo soo gudbiyay, isagoo dhanka kale qadarka lacageed ee ay qoysaskaasi bixiyaan faahfaahin ka bixiyay.



“Ilaa hada inta aan ogahay waxa lacagtaa diray lix qoys oo laba qaar Ceerigaabo degenyihiin, qaarna Hargeysa iyo Burco,dadka saarnaa daanida 47 qaadayna waxay siday dad reer Somaliland sooc ah oo waliba dhalinyaro u badan, kuwan iminka qoysaskooda lala soo hadlayna waxay saarnaayeen taas.



Lacagta lagu xidhay qaarba waxbaa lagu sheegay qaar $2000 Dollar ayaa loogu sheegay, qaar lacag lix kun oo dollar ah ayaa lagu yidhi soo dira, qaar shan kun, adigu qaarbaa lacag gaadhaysa $9000 Dollar lagu xidhay, markaa  sheekaddu waa noocaa, runtiina dadkan markii lala soo hadlay Naago ayaa la soo xidhiidhay oo u sheegtay inay iyagu wakiil ka yihiin dadka haysta, kuwaasaana meesha lacagta lagu shubayo iyo cidda lala soo xidhiidhayaba u sheegay”ayuu yidhi.



Dhinaca kale, qaar ka mid ah Bulshada Somalida ah ee ku dhaqan Waddanka Talyaaniga oo aanu wax ka waydiinay sheegada aan wali warkeedu cadeyn ee ah in dadkaasi nolol lagu hayo, ayaa qaarkood sheegeen inay tibaax ku heleen warkaasi, balse ma jirto ilaa hada cid si dhab ah arintaasi uga war keentay.



Inkasta oo Baadi sheega dadkan Mugdi badani ku jiro, hadana waxa  muhiim ah dawladaha Somaliland iyo Somaliya iska kaashadaan sidii dadkaasi hadii ay nool yihiin oo tibaaxdan shakigu ku jiraa dhabtahay loo raadin lahaa, isla markaana Dawlada Talyaaniga loogala hadli lahaa inay baadhis rasmiya arintaasi ku samayso.



Waxaana daruuri ah inay dawladahani, gaar ahaan Somaliland baadi-goobka Mawaadiniintooda  sanadaha badan la la’aa ee hada tibaaxda nololeed laga helay ay kaalin mug leh ka qaadato, isla markaana gacan weyn siiso qoysaska Lacagaha adag ku bixiyay sidii ubadkooda loogu sii deyn lahaa.



Faro-gelin dawladahani ku sameeyaan Baafinta Boqolaalka qof ee maqaneyaasha somalida ah, ayaa badbaadin karta in si fudud lagu dhaco qoysaska Lacagta la Haliilaya ee qaarkood la sheegay inay shubeen, taasoo dhaawac dhaqaale iyo dhibaatooyin kale ku soo kordhin, hadii aan arintan lala daba-gelin, isla markaana aan gunteeda  dhakhso loo soo taaban.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com