Saturday, September 28, 2013

Human Rights Watch oo Kenya uga Digtay Dhibaatooyin ka dhan ah Dadka Somalida ah oo cabsi amaan soo foodsaartay


Nairobi(GNA)-Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa uga digtay dowladda Kenya inay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed  ee ku dhaqan dalkeeda,kaasoo lagaga aar-gudanayo  weerarkii Kooxda Alshabaab ka fulisay  Xarunta Ganacsiga ee Westgate.




Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii oo ah halka ganacsiga ugu ballaaran ku leeyihiin gudaha Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa la soo dersay cabsi iyo wal wal la xidhiidha in la bartilmaameedsado, isla markaana saameyn ay ku yeelato  weerarkii Westgate lagu qaaday.




 
HRW ayaa ka hadashay sheegashada Al-Shabaab ee weerarkii Westgate oo ay ku dhinteen dad ka badan lixdan ruux sida dawladu sheegtay ,waxaanay tibaaxday  in laga yaabo in siyaasiyiinta iyo shacabka Kenya ay sameeyaan aargoosi ku wajahan Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.




Bayaan ay Hay’addu soo saartay waxay ku sheegtay wax  walba laga fili karo shacab Kenya oo ay dhibaateeyaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas sidii dhacday sanadkii 2012kii oo ay dad ka caraysnaa weerar lagu qaaday gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo dhac u gaysteen goobo ganacsi oo ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi.




Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ka codsatay uguna Baaqday in ay la hadasho Siyaasiyiinta dalkaas waxayna Hay’adu sheegtay inay siyaasiyiintu jeedin karaan hadalo kicin kara Shacabka reer Kenya, ayna markaas ka dib dhici  karaan Rabshado ku baaha dhamaan dalka Kenya.




Sabtidii todobaadkii hore ayay ahayd markii weerarka lagu qaaday dhismaha Westgate oo xudun dhaqaale u ahaa waddanka Kenya, waxaana halkaasi in ka badan shan maalmood dagaal ku dhex marayay Dagaalyahano Al-shabaab sheegatay iyo Ciidamada Kenya oo gacan ka helaya Ciidamo shisheeye ah .




Weerarka westgate ayaa dhirbaaxo xanuun kulul ku noqday dawlada Nairobi iyo gabi ahaanba duwalka Caalamka eek u foogan la dagaalanka waxa ay ugu yeedheen Argagixisadda.




Somalida ayaa ah qoomiyaddaha ugu badan eek u nool dalka Kenya ee waddamada Jaarka ah ka soo jeedda, waxaana xeryaha qaxoontiga ee dalkaasi ku jiraa Boqolaal kun oo ka cararay Colaadii ka aloosnayd somaliya 22 sanadood.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com