Friday, September 27, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u Diray Wasiir ku-xigeen Aabihii Geeriyooday


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland  Mudane, Xasan Daahir Dhinbiil isaga oo ka tacsiyadaynayaa madaxweynuhu geerida ku timid  Aabbihii Daahir Dhinbiil Fariid oo ku geeriyooday Magaalada Boorama laguna aasay 26/09/2013.




Madaxweynuhu sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, isaga oo illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)




Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.