Monday, September 30, 2013

In Ka Badan 30-Ruux Tahriibayaal ah Oo Raq Iyo Ruux Wali La layahay Xeebaha Australia.


(GNA) In ka badan 30 ruux oo kamid ahaa dadkii ay la quustay dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah kuna sii jeeday dalka Australia ayaa lagu soo waramaya in wali la la,yahay.




Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Australia ayaa maalintii labaad wali ku howlan raadinta dadkaasi wali ku maqan biyaha xeebaha dalkaasi.




Horay ayay ciidamada ilaalada xeebaha iyo kuwa gurmadka degdega ee dalka Australia waxay u soo heleen maydka 22 ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonida.




Dadka dhintay ee ay soo heleen ciidamada ayaa waxaa ku jiray todoba caruur ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil amaan oo ka tirsan dowladda Indonesia.








 




 




 




 




Doonida ayaa la rumaysan yahay inay la socdeen dadka badan 70 ruux iyadoo qaar kamid ah dadkaasi nolol lagu soo helay halka walina tiro kamid ah ay ku maqan yihiin biyaha xeebaha dalka Australia.




Doonidan ayaa la sheegayaa inay ka shiraacatay xeebta koonfureed ee dalka Indonesia iyada oo waday dad tahriibayaal magan galyo doon ah kana kala yimid dalalka Lubnan iyo Yemen sida lagu sheegay war ka soo baxay dalka Indonesia.




Arrintani ayaa la sheegayaa inay dib u dhigi karto booqasho uu ku doonayay inuu ku tago dalka Indonesia Raisul wasaaraha cusub ee dalka Australia Tony Abbott isla markaasina uu ku doonayay inuu kala hadlo arrinta dadka tahriibayaasha ah ee ku qulqulaya dalkiisa madaxda dowladda Indonesia.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobonimonews.com