Tuesday, September 24, 2013

Qaar Ka Mid Ah Qurba Jooga Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Dalka UK Oo Laba Fasal Ku Daray Dhismaha Iskuulka Deegaanka Jir-Jir Ee Gobolka Awdal +SAWIRRO


Boorama-(BON) Qaar ka mid ah qurba jooga Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ee dalka Uk ayaa laba fasal ku daray dhismaha iskuulka degaanka Jir-jir ee Gobolka Awdal kaas oo ay munaasabadii dhismahan dhamaystirkiisa  ka soo qayb galeen qaar kamid ah cuqaasha,waxgaradka,xildhibaanada Golaha degaanka Boorama ee ka soo jeeda degaanka Jirjir iyo haween qurba jooga .




Munaasabadan oo ahayd mid mahadnaqa loona mahadnaqay jaaliyada qurba jooga degaanka Jir-jir oo deeq lacaga  $9550 ugu deeqday looguna  talagalay in lagu dhiso laba fasal oo lagu darayo Dugsiga Jir-jir ayaa waxaa ka wakiil ahayd Deeqa Maxamuud Dhawaloo ka mid ah qurba jooga ku nool magaalada London ee Dalka Uk waxaana ka mid ahaa odayaashii ka hadlay goobtaas Ibraahim Aw-Cali ,Faarax Aw-axmed Gadiid,Iise Nuur Barkhad (Nuur Bowne) Iyo Maxamed Ibraahim Diiriye waxa ayna dhamaantood   u mahad celyiey jaaliyada kasoo jeeda dalaka uk ee ugu deeqay lacagtaasi labaadaas Fasal  waxayna aad ugu mahad celiyeen gabadhii loo soo dhibay lacagtan kana masuul ahayd dhismaha labadaas qol .




Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay xildhibaan laga soo doortay deegaankaasi jir jir oo magaciisu yahay Xildhibaan Maxamed Aadan Muumin (kacab) kana mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada borama isagoo sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo cidii ka qayb qaadatay dhismahan una mahadceliyey jaaliyada UK




Sidoo kale  waxa isaguna ka hadlay  Caaqil Cabdi Axmed cige Salsal isagoo sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo gabadh hawshan waday ee looo soo igmaday iyo jaaliyada UK sidoo kale waxa uu baaq u diray wasaaradda  waxbarashada iyo hayadda jarmalka  inay ka qayb qaataan dib u habayn lagu sameeyo iskuulka, kaasi oo ka kooban 7-8alad dugsigaasi oo ay dhigtaan ilaa 200 oo  arday macalimiinta dhigtaana ay yihiiin 18 macalin. Waxa iyana halkaas ka hadashay Deeqa Maxamuud Dhawal oo ahayd gabadhii ka masuullka ahayd hawshan waxayna sheegtay inay tusayso cidii hawshan u soo igmatay inay  arkaan hawshii siday u soo qabatay waxayna u mahadcelisay cidii dhisaysay dhismahan labada qol .




Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay  Maamulaha dugsigaasi  Ibraahim Aw axmed Kaahiye isagoona u mahad celiyay cidii ka qaybqaadatay dhismaha labadan qol iyo jaaliyadda UK   sidoo kale waxa uu baaq u diray wasaaradda  waxbarashada iyo hayadda jarmalka  inay ka qayb qaataan dib u habayn lagu sameeyo iskuulka isku soo wada duubo jawiga guud ee iskuulkaas ayaa waxa ka muuqday arday jawi faraxsan  iyagoo aad ugu sacabiyey cidii hawshan ka masuulka ahayd.








 Wariye Mustafe Caraale




 Caraale_143@hotmail.com




  Borama office