Wednesday, September 11, 2013

Xisbiga WADANI Oo Sheegay In Maalmaha Soo Socda Kulan Wada Xaajooga la Yeelanayaan Madasha Watashiga & Toosinta Qaran,


Haygeysa, (GNA)Afhayeenka xisbiga WADANI,Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa daboolka ka qaaday kulan maalinta arbacada ku balansan yihiin inay wada yeesheen xisbiga WADANI iyo xubnaha isku magacaaabay  madasha watashiga iyo toosinta qaran, oo ay xisbigooda ku soo casuumeen shir jaraa’id oo manta ku qabtay magaalada Hargeysa oo arrimahas kaga hadlayo waxa hadalkiisa ku bilaabay,






“maalinta arbacada ee soo socota in xisbiga WADANI iyo gudida ku dhawaaqday ama labaxdey madasha wadatashiga iyo toosinta qaran balan ay wada lee yihiin iskugu imanayaan isna xogogaal wareysan doonaan, markaa majecli inta kulankaasi dhacayo inaan ka hordhaco xisbi ahaan ujeedada ay noo soo macsuumeen  inta aan ogaandoono waxa ay nagala hadli rabaan waxa ay noo soo jeedin doonaana inaan ka hordhacno balse aanu sugno”.Xil, Ibraahim Mahdi Buubaa.
Afhayeenka xisbiga WADANI, waxaa kaloo ay soo jeediyeen in la soo celiyo diwaagalintii la laalay si doorasho dambe aan loogu galin diwaagalin la’aan maadana sharicayada dalku dhigayso in diwaagalin doorashooyinka.




“xeerarka nidaamka shuruucda dalka u yaala waxay dhigayaan in doorashooyinka lagu galo diwaagalin islamarkaana dib loo sooceliyo diwaagalintii la laalay mid lamida ama ka casrisan oo aan lahayn ku noqnoqashadii badnayd agab iyo qalab ka duwan kuwii hore diwaagalin noocaas dalka laga fuliyo oo waliba wakhtigii loogu talagalay la dhaaftay lix bilood gudahood sida xeerarku dhigayaan maalintii la laalay diwaagalin hore in dalka laga qabto, markaa walaac aanu qabto xisbi ahaan ayaa naga keenay” ayuu yidhi