Wednesday, September 11, 2013

Dalka Holland oo laga hirgeliyay arrin ay Muslimiintu aad ugu farxee


(GNA)Arnoud van Doorn oo ah hogaamiye hore oo ka tirsanaan jiray xisbi ka dhisan dalka Holland oo lagu magacaabo PVV kuna caan baxay cunsuriyada iyo islaam naceybka ayey aheyd dhawaan markii uu soo islaamay kuna dhawaaqay inuu ka towbad keenay dhamaan dhibkii uu kula kacay diinta islaamka iyo Muslimiinta.




Arnoud van Doorn oo aad loogu soo dhaweeyay diinta islaamka gaar ahaan dalka Sucuudiga ayaa haatan ka dhawaajiyay arin ay aad ugu farxeen Muslimiinta dunida gaar ahaan kuwa reer Holland/Netherland.




Arrinkan  ayaana ah in uu Arnoud van Doorn aas aasay xisbi cusub oo islaami ah una doodi doono xuquuqda islaamka iyo xaq ay u leeyihiin in ay ka qeyb noqdaan bulshada reer Holland ee ka kooban guud ahaan 17 Million, kuwaasoo 1 Million ay Muslimiin yihiin.




Arnoud van Doorn ayaa go’aankan si rasmi ah ugu dhawaaqay isaga oo soo dhigay bogga uu ku leeyahay aalada Twitter-ka waxaana durbadiiba bilowday kumanaan Muslimiin ah oo u ololeeyay inuu guul ka gaadho tartanka uu u geli doono ka mid noqoshada xisbiyada rasmiga ah ee ka dhisan dalka Holland, ugu danbeyna uu doorashooyinka dalkaas ka dhici doona uu kaga qeyb galo isagoo taageere ka sugaya 1 Million oo Muslimiin ah.




Arnoud van Doorn oo ah hogaamiye hore oo ka tirsanaan jiray xisbi ka dhisan dalka Holland oo lagu magacaabo PVV kuna caan baxay cunsuriyada iyo islaam naceybka ayey aheyd dhawaan markii uu soo islaamay kuna dhawaaqay inuu ka towbad keenay dhamaan dhibkii uu kula kacay diinta islaamka iyo Muslimiinta.




Arnoud van Doorn oo aad loogu soo dhaweeyay diinta islaamka gaar ahaan dalka Sucuudiga ayaa haatan ka dhawaajiyay arin ay aad ugu farxeen Muslimiinta dunida gaar ahaan kuwa reer Holland/Netherland.




Arrinkan  ayaana ah in uu Arnoud van Doorn aas aasay xisbi cusub oo islaami ah una doodi doono xuquuqda islaamka iyo xaq ay u leeyihiin in a




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com