Wednesday, September 11, 2013

Eden Hazard Oo Taam U Ah Kulanka Chelsea Ay Booqaneyso Everton.


Chelsea ayaa heshay war ay ku faraxdo ka hor kulanka ay isbuuca soo socda booqaneyso Everton iyadoo Eden Hazard la sheegay inuu taam u yahay kulankaas.




Waxaa lagu sawiray isagoo dhaawac uga baxaya tababarka xulka Belgium ee ka hor kulankii ay isbuucii hore la ciyaareen Scotland kaliya 20 daqiiqo oo uu tababar xulka la qaatay.




Muuqaalka Hazard oo xanuunsanaya islamarkaana iska bixiyay kabta lugtiisa bidix iyo iskaalshada ayaa keentay in walwalo uu ka soo baxo Stamford Bridge, iyadoo ay soo muuqatay in dhaawac uu yahay.




 




 




Laakiin iyadoo ciyaartoyda Belgiuam ay dib ugu laabanayeen kooxahooda islamarkaana ay ka tagayeen Galasgow Airport sabtidii, xubin sarre oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawaca Hazard uu meesha ka baxay ka dib daweyn lagu sameeyay.




Waxaana uu intaas raaciyay inaysan jirin sababta uusan ku ciyaari karin tababarka buuxa ee isbuucaan ee Chelsea ay isagu diyaarineyso kulanka sabtida ee Everton