Sunday, September 1, 2013

Xildhibaan Tukaale: Sahaminta Shidaalku waddanka Bur-burbay u horseedaysaa hadaan Xakame iyo Sharci loo sameyn”.


Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa ka digay Khatarta ka dhalan karta mashaariicda sahaminta Shidaalka ee waddanka ka socda, hadii aan nidaam iyo sharci lagu xakameeyo loo samayn.




Xildhibaan Tukaale oo waraysi siiyay Mareegta Gobanimonews, ayaa sheegay in ka faa’idaysiga Kheyraadka dalku ka mid yahay waxyaabaha u dabran sharci la’aanta, loona baahanyahay in la curiyo sharcigii shidaal qodista iyo Macdan baadhista.




Hadalka Mudanehan ayaa ku soo beegmaya wakhti muran badani ka taaganyahay mashaariicda sahaminta shidaalka ee Goboladda k socota, taasoo ay ka horyimaadeen caqabado dhanka Bulshada kaga yimi, ka dib markii ay dadka deegaamada hawshaasi laga fulinaya iyo shirkaddu isku af-garan waayeen Saami qaybsiga shaqaalaha hawsha fulinaya oo ay dadku ku doodayaan in meelo kale laga soo qortay.




“sahaminta Kheyraadka Shidaalka waxaynu ugu jirnaa halis oo inuu dalka bur-buriyo  ayaabu hal u yahay, waayo waddamada dhaqaalaha leh ee caalamku iminka hadii ay shan Milyan inagu soo dhex tuuraan oo aynaan sharci iyo kala dambeyn lagu hago lahayn dhibaato ayaa ka imanaysa, markaa waxaan odhan lahaa hawshaa intaan la bilaabin horta dadka waa in kalsooni la siiyo oo laga dhaadhiciyo waxani waxay yihiin”ayuu yidhi Xildhibaan Tukaale.




Waxaanu intaasi ku daray  “laakiinse hadii sharci la waayo waxa imanaya khilaaf iyo in wadamada kheyraadka inagula tartamayaa Dagaal inagu soo qaadaan, dagaalkooduna waxa kale noqon maayee inta lacag yar lagu soo dhex dhigo ayaa dadkaaga laysku dirayaa, markaa waan ka digayaa arintaa in laga fiirsado”.




Xukuumadda Somaliland ayaa Heshiisyo dhanka sahaminta shidaalka ah la gashay dhawr shirkadood oo Ajaanib iyo Somali isugu jira, kuwaasoo ay ilaa hada shirkadda Genel Energey oo hawsheeda bilowday caqabado nabad-gelyo ka horyimaadeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com